Madaxweynaha Puntland oo lagu wado in uu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh

Wararka ka imanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) uu tagi doono Caasimadda Muqdisho, isagoo tixgelinaya codsi uga yimid Wakiilada Beesha Caalamka ee dalka.
Wararka ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay doonayaan in ay kulan siiyaan Madaxweyne Deni iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka uu toddobaadkan ka dhici doono Aqalka Villa Somalia oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu degan yahay ama Xerada Xalane ee Garoonka Aadan Cadde, halkaas oo saldhig u ah diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala.
Cilaaqaadka Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Hoggaamiyaha Puntland ayaa xumaaday bishii May ee sanadkii 2023, iyadoona Madaxtooyada Puntland ay dhammaadkii bishii March ee sanadkii 2024 hakisay wada-shaqayntii Dowladda Federaalka.
Puntland ayaa ka carootay tallaabada ay Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ee 30-kii bishii March ee sanadkaasi ay wax ka bedelka ugu sameeyeen 4 ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurkii KMG ee la ansixiyay sanadkii 2012.
Beesha Caalamka ayaa haatan ka shaqeynaysa in Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Somaliya, oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka, Puntland iyo Jubbaland ay heshiis ka gaaraan nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 2-dii bishan martiqaad u fidiyay Xubnaha Golaha Mustaqbalka, si ay uga soo qaybgalaan kulan uu muddeeyay 10-ka bisha oo shalay ku beegneyd, si xal looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee la isku khilaafsan yahay, inkastoo uu kulankaasi baaqday.


