Madaxweynaha Somaliya oo Arusha kaga qaybgalay Shir Madaxeedka EAC
Madaxweynaha Somaliya ayaa galabta Magaalada Arusha kaga qaybgalay Meertada 25aad ee Shir Madaxeedka Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo madaxdu ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta is dhexgalka dhaqaale.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa madasha ku soo bandhigay guulaha muuqda ee Somaliya ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dimoqraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo dhameystirka dastuurka dalka, isaga oo muujiyay sida Somaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo dardargelinta is dhexgalka dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Sanadkan ayaa waxaa Shir Guddoonka Dalladda EAC la wareegay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, isagoona xilka kala wareegay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay fududeynta ganacsiga xuduudaha ka gudba, tani oo muhiim u ah sideedda dal ee xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika.
Dhanka kale shirka ayaa waxaa intii uu socday lagu dhaariyay Garsoore Cabdiwaaxid Warsame Cabdullaahi oo ka mid noqday Garsoorka Maxkamadda Caddaaladda ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, kaas oo fagaaraha Caddaaladda EAC ku meteli doona Somaliya.
Maxkamaddan ayaa ah hay'ad garsoor oo hubineysa u hoggaansanaanta sharciga iyo ku dhaqanka heshiiska ay saxiixeen dalalka xubnaha ka ah dalladdan, oo ah urur dowladeed tobanaan sano ka jiray Bariga Afrika.
Somaliya ayaa 15-kii bishii December ee sanadkii 2023 xubin rasmi ah ka noqotay dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaano (EAC), iyadoo dalalka kale ee xubnaha ka ah ay kala yihiin Tanzania, Rwanda, Burundi, Uganda, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.
Somaliya ayaa ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biira Dalladda EAC, tallaabadan oo keeni karta in la ballaariyo ganacsiga xorta ah ee Afrikada Bari.
Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC ayay xarunteedu tahay Arusha, Tanzania.














