Madaxweynaha Somaliya oo kulan degdeg ah isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Axadda uu khudbad u jeediyo Xildhibaanada Labada Aqal, ka dib marka uu kula kulmo Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in khudbadda Madaxweynaha Dowladda Federaalka ay la xiriirto xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay tallaabada ay Israel Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madaxbannaan Somaliya inteeda kale.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in farriin qoraaleed teleefanadooda gacanta loogu diray Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare, si ay uga soo qaybgalaan kulanka wadajirka ah ee Madaxweynuhu uu codsaday.
Farriinta ayaa Xildhibaanada loogu sheegay in 10:00 subaxnimo ay soo xaadiraan Xarunta Villa Hargeisa oo ku dhex taala Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.
Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in ajandaha kulanka uu ku saabsan yahay khudbad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixin doono xaaladda dalka.
Xildhibaanada Labada Aqal ayaa kuu sheegaya in ay heleen farriin ku saabsan in berrito uu jiri doono kulan aan caadi ahayn.
Dowladda Somaliya ayaa dareen xasaasi ah ka muujisay tallaabada ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, taasoo ay u aragto mid xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somaliya.
Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii sheegtay in ay ka go'day Somaliya, ka dib dagaal sokeeye oo galaaftay nolosha dad fara-badan.
Madaxda Somaliya ayaa lagu dhaliilaa inaysan si dhab ah u wajihin xalinta tabashada dadka reer Somaliland, taas oo ka dhigtay in ay sii fogaadaan.


