Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in ciidamadiisu ay fara-gelin karaan Israel
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay suurtagal tahay in Ciidamada Turkiga ay galaan Israel, si ay u caawiyaan shacabka Falastiiniyiinta.
Madaxweynaha ayaa si adag u dhalleeceeyay duulaanka ay Israel ku qaadday Marinka Gaza iyo xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta.
"Waa in aan xoog badnaanaa, si aysan Israel arrimahan qosolka leh uga sameyn Falastiin." Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo khudbad ka jeedinayay kulan uu Magaalada Rize kula qaatay Xisbigiisa AK.
Waxa uu sheegay in laga yaabo inay galaan Israel, si la mid ah, sidii ay horeyba ciidamadiisu fara-gelinta ugu sameeyeen Gobolka Nagorno-Karabakh iyo Libya.
"Waxaa laga yaabaa in aan sidaas oo kale samayno." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin sabab aysan sidaasi u sameyn karin.
"Ma jirto sabab aan taas u samayn karin. Waa inaan xoog yeelanaa, si aan u qaadno tallaabooyin." Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Madaxweynuhu ma sheegin nooca ay noqon karto fara-gelinta uu sheegay in laga yaabo inay ku sameeyaan Israel.
Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Erdogan ayaa ka tarjumaya, sida uu gobolku ugu sii dhawaanayo dagaal weyn.
Turkiga iyo Israel ayaa ku kala fogaaday colaadda Marinka Gaza, iyadoona uu midba midka kale u jiray xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi ee ay lahaayeen.
Erdogan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay si kulul uga hadlayay weerarada naxariis darrada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, oo galaafanaya nolosha dad fara-badan oo aan waxba galabsan.
Erdogan ayaa dhowr jeer reer galbeedka ku eedeeyay in ay ku guuldareysteen in ay joojiyaan dembiyada xargaha goostay ee ka dhacaya dhulka sida weyn loo go'doomiyay.
Ciidamada Israel oo tan iyo daba-yaaqadii bishii October gudaha ugu jira Marinka Gaza ayaa halkaasi ku dilay 39,324 qof, halka in ka badan 90,830 kalena ay ku dhaawaceen. Dhibaneyaasha ayaa u badan dumar iyo carruur, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Turkiga waa dalka labaad ee ugu ciidamada badan dalalka xubnaha ka ah Gaashaanbuurta NATO.