Madaxweyne Abbas: Dilka Haniyeh ayaa looga dan lahaa in lagu huriyo colaadda

Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa sheeegay in dilka Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh uu ahaa mid looga dan lahaa in looga sii daro colaadda Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa Warbaahinta Ruushka ee RIA Novosti u sheegay in sidoo kale dilka ninkaasi lagu doonayay in dagaalka lagu ballaariyo Bariga Dhexe, tiiyoo ay hadda saan-saanteedu muuqato.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dilkan uu noqday caqabad ku soo korortay siyaasadda Israel, isla-markaana ay dhacdadan saamayn ba'an ku yeelan doonto wada hadalada lagu doonayo in lagu joojiyo sida uu yiri gardarrada Israel ee Gaza.

Madaxweyne Abbas ayaa Maamulka Israel ugu yeeray inay ka waan-toobaan ficiladooda ka dhanka ah buu yiri dadkeenna iyo qaddiyaddeenna, isla-markaana ay go'aansadaan xabad joojin degdeg ah, ka bixista Marinka Gaza iyo nabad waarta, oo ay ku wada noolaadaan.

Israel ayaa lagu eedeeyay in ay dooneyso inay Mareykanka soo geliso dagaal ay damacsan tahay inay la gasho Iran iyo xulafadeeda gobolka, inkastoo Mareykanku aanu dooneyn dagaal gobolka oo dhan ah.

Xiisadda Bariga Dhexe ayaa cirka isku shareertay toddobaadkii hore, ka dib markii Iran iyo ururada hubeysan ee gobolka ay wacad ku mareen in ay ka aargudan doonaan dilka ay Israel u gaysatay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh iyo Abaanduulihii Garabka Militariga Xisbullah, Fu’ad Shukur.

Israel ayaa ku eedeysan in laba cisho oo isku xigto ay dishay Fu’ad Shukur iyo Ismail Haniyeh, oo lagu kala dilay Magaalooyinka Beirut iyo Tehran.

Iran ayaa ku adkeysanaysa in aysan ka laaban doonin inay ka aargudato Israel, halka Israel ay wacad ku martay inay jawaab adag ka bixin doonto weerar kasta oo Iran kaga yimaada.

Hadalka Madaxweyne Abbas ayaa imanaya, iyadoo Iran iyo Israel ay ku sii dhaweynayaan dagaal toos ah.

Gobolka ayaa waxaa ka jirta cabsi xoog leh oo laga qabo isku dhac ballaaran.