Madaxweyne Abbas: Israel waxay ka gudubtay wax kastoo khad cas ah

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa si adag u cambaareeyay duqaynta xagga cirka ah ee xalay Israel la beegsatay Isbitaalka Al-ahli Arab ee Marinka Gaza, iyadoona ay ku dhinteen dad tiradooda lagu sheegay 500 oo qof.
Isbitaalkan ayaa waxaa maalmihii ugu dambeysay hoy ka dhigtay kumanaan qof, oo ka mid ah dadka ay Israel ku amartay in ay isaga baxaan waqooyiga Gaza, iyadoo dhanka kalena ay ka socotay adeegga caafimaad ee ay dhakhaatiirta u fidinayaan dadka ku waxyeelooba duqaymaha Israel.
"Bartilmaameedka Israel ee Isbitaalka Al-ahli Arab oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan boqol oo qof waa xasuuq aanan loo dulqaadan karin." Ayuu yiri Madaxweynaha Falastiiniyiinta.
Madaxweynaha ayaa Israel ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay shuruucda caalamiga ah ee bani'aadantinimada, isagoo intaasi ku daray inaanan si khasab ahi guryahooda looga barakacin karin dadka reer Gaza.
"Israel waxay ka gudubtay wax kastoo khad cas ah oo u yiilay bani'aadantinimada. Wax kasta oo dhaca dadkayagu kama tagi doonaan Gaza, mana ogolaan doono qofna inuu halkaasi naga saaro." Ayuu yiri Madaxweyne Mahmoud Abbas.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa joojiyay kulan uu Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden kula lahaa dalka Jordan, ka dib weerarkii Israel ee isbitaalka.
Madaxweyne Abbas ayaa hoosta ka xariiqay inaanay aqbali doonin wada hadalo aan ahayn kan colaadda lagu joojinayo.
"Lama aqbali karo wada hadal kasta oo ku saabsan wax aan ahayn in la joojiyo colaadda." Ayuu yiri Madaxweyne Abbas.
Jordan ayaa baajisay shir afar geesood ahaa oo lagu waday in Madaxweyne Biden uu kaga qaybgalo Caasimadda Amman, tani oo jawaab u ah weerarka isbitaalkaasi.
Madaxweyne Biden ayaa qorsheynayay in kolka uu maanta gaaro Israel in saacadaha dambe ee Arbacadan uu uga sii gudbo Jordan, si uu ugu la kulmo madaxda dalalka Jordan, Masar iyo Falastiin, ka dibna uu ula yeesho shir ay kaga arrinsanayaan xiisadda ka aloosan Bariga Dhexe.
Biden ayaa la sheegaya in uu booqan doono Israel oo keliya, isla-markaana uu Aqalka Cad dib-u-dhigay socdaalkiisii Jordan.
Isbitaalka Al-ahli Arab ee Marinka Gaza ayaa noqonaya kii 5aad ee Israel beegsato, tan iyo intii ay dib u soo cusboonaatay colaadda kala dhaxeysa Falastiiniyiinta.
Weerarkan ayaa ah kiisii ugu khasaaraha badnaa ee goob qura ka soo gaara dadka rayidka ah, ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii bishan ka gaysatay dhulka la haysto.


