Madaxweyne Biden oo Turkiga ka codsaday in uu gacan ka siiyo joojinta dagaalka Israel iyo Falastiin
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Dowladda Turkiga ku booriyay in ay kala shaqeyso, sidii loo dejin lahaa xiisadda ka dhex oogan Falastiiniyiinta iyo Israel.
Joe Biden ayaa Turkiga weydiistay in uu gacan ka siiyo xal u helidda xiisadda Sabtidii ka dhex qaraxday labada dhinac, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
"Madaxweyne Biden wuxuu sii raadinaya in Turkiga uu si joogto ah uga la shaqeeyo joojinta dagaalka." Ayaa lagu yiri bayaanka.
Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo khadka teleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa sidoo kale ka codsaday in Ankara ay sii waddo ka qayb qaashada joojinta weerarada Xamaas.
"Mareykanku wuxuu dhankiisa diiradda saaraya, sidii Xamaas ay weerarada u joojin lahayd, loona sii deyn lahaa dhammaan la haysteyaasha." Ayaa lagu yiri bayaanka.
Xoogaga Xamaas ayaa la sheegay in ay weerarka ku qafaasheen kun qof, oo isugu jira Ciidamada Israel iyo weliba dad shacab ah.
Tirada dadka ku dhintay dagaalka ayaa la sheegay in ay sii caga-caganeyso in ka badan kun qof, kuwaa 424 ka mida ay yihiin Falastiiniyiinta.
Israeliyiinta ayay naxdin ku noqotay weerarkan oo ay ku sheegeen kiisii ugu horreyay ee garabyada hubeysan ee reer Falastiin ka gaystaan dhulka la haysto.


