Madaxweyne Erdogan oo 13 sano ka dib booqanaya dalka Ciraaq

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta maanta ah ku wajahan dalka Ciraaq.

Madaxweynaha ayaa booqanaya Magaalooyinka Baghdad iyo Erbil. Erbil waa Xarunta Gobolka Kurdistan ee waqooyiga Ciraaq.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa sheegay in la dhameystiray shaqada horudhaca ah ee lagu saxiixayo in ka badan 20 heshiis.

Wasiirka ayaa tilmaamay inta lagu wada jiro booqashada Madaxweynaha ee dalkaasi ay labada dowladood kala saxiixan doonaan heshiisyo muhiim u ah dalalkooda.

"Dadaal badan ayaa loo galay, sidii heshiisyo looga gaari lahaa dhinacyada amniga, tamarta, biyaha, beeraha, caafimaadka iyo waxbarashada." Ayuu yiri Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray "Waxaan rajeynaynaa in heshiisyadan qalinka lagu duugi doono, iyadoo ay goobjoog ka yihiin hoggaamiyeyaasha siyaasadda." 

Madaxweynaha ayaa Caasimadda Baghdad kulan shaqo kula yeelan doona Raysal Wasaaraha Ciraaq, Mohammed Shia’ Al Sudani, ka dibna uu wax ka saxiixi doono heshiiska.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu la kulmo dhiggiisa dalkaasi Abdul Latif Rashid, si loo xoojiyo iskaashiga ay ka leeyihiin la dagaalanka argagixisada iyo isu socodka.

Madaxweyne Erdogan ayaa taageero u raadinaya dagaalka ay dowladdiisu kula jirto Jabhadda Kurdiyiinta Turkga ee PKK, oo Ankara ay tuhunsan tahay in Kurdistan ay gabaad siiso PKK. 

Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa dhawaan fallaagada PKK ku eedeeyay in muddo tobanaan sano ah ay dadka Turkiga ku dhibaateynayaan koonfur bari dalkaasi, isagoona wacad ku maray in ay xididada u siibi doonaan.

Turkiga, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa PKK u aqoonsan urur argagixiso, iyagoo horey ugu daray liiska argagixisada.

Booqashadan ayaa noqonayso tii ugu horreysay ee Madaxweyne Erdogan uu ku taggo dalkaasi, muddo saddex iyo toban sano ah.