Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay ismiidaaminta ka dhacday Caasimadda Ankara

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ee Axaddii ka dhacay Magaalada Ankara.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo aan sidaasi uga sii fogeyn Xarunta Baarlamaanka Turkiga. 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in laba qof oo weeraraka soo qaaday ay gaari ku yimaadeen afaafka hore albaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ka dibna ay qaadeen weerar qarax, kuwaa oo mid ka mida ay sheegtay inuu is qarxiyay, kan kalena ay ciidamadu toogteen. Wasaaradda ayaa bayaan ku sheegtay in laba askari oo booliska ka tirsan ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Weerarka ayaa dhacay wax yar uun ka hor, xilli Madaxweynuhu uu khudbad ka jeedin lahaa furitaanka Kalfadhigga Baarlamaanka Turkiga.

Madaxweyne Erdoğan oo weerarka ka dib gaaray Xarunta Baarlamaanka ayaa isagoo khubad u jeedinaya Xildhibaanada sheegay in waxa dhacay uu yahay weerar argagixiso.

"Waa weerar argagixiso waxa ka dhacay Agaasinka Guud ee Amniga ee Magaalada Ankara. Argagixisadu marnaba nagama guumeysan doonto." Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in argagixisadu ay ku guuldareysatay isku daygoodii ugu dambeeyay, oo sida uu sheegay ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan muwaadiniinta dalkaasi.

"Kani waa isku daygoodii ugu dambeeyay oo ay ku doonayeen in ay ku waxyeelaayaan nabadda iyo amniga muwaadiniintayada. Ma aysan gaarin hadafkooda, mana gaari doonaan weligood." Ayuu yiri Madaxweyne Erdoğan.

Waxa kaloo uu yiri "Argagixisadu gabbalkeedu waa uu dhacay, Turkiguna wuxuu xaqiijin doonnaa amniga xuduudihiisa koonfureed, si aan uga ilaalino argagixisada dibadda."

Jabhadda Kurdiyiinta ee PKK ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee lala xiriiriyo ee ANF.

Madaxweyne Erdoğan ayaa fallaagada PKK ku eedeeyay in tobanaan sano ay dadka Turkiga ku dhibaateynayaan koonfur bari dalkaasi, waxa uu sheegay in hadda uu xaalku ka duwan yahay sidii hore, ka dib tallaabooyin waaweyn oo dowladdiisu ay u qaadday dhinaca amniga, oo sida uu sheegay lagu xakameeyay argagixisada gudaha, haddana ay wadaan qorshe lagaga hortaggayo argagixisada dalka kaga soo duusha dibadda.

Ciidanka Difaaca Turkiga ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeysay xubnaha PKK ku bartilmaameedsanayay qaybo ka mida dhulka ay kaga sugan yihiin dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Garabka hubeysan Kurdiyiinta ee PKK ayuu saldhigoodu yahay Gobolada Buuraleyda Kurdiyiinta ee koonfur bari ee dalkaasi Turkiga iyo waqooyiga Ciraaq.

Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa liiska argagixisada ku daray Jabhadda PKK, oo dagaal kula jirta Ankara.