Madaxweyne Erdogan oo sheegay in Sirdoonkiisu uu qaarajiyay Hoggaamiyihii Daacish

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa xalay shaaciyay in Sirdoonka Turkiga uu ka takhalusay Hoggaamiyihii Ururka Daacish, Abu Hussein al-Qurayshi.
Madaxweynaha ayaa Warbaahinta Turkiga ee TRT Turk u sheegay in al-Qurayshi lagu dilay hawlgal gaar ah, oo ka dhacay dalka Suuriya.
"Hay'adda Sirdoonka Qaranka ee MIT, waxay muddo dheer daba joogtay waxa loogu yeero Hoggaamiyaha Daacish, oo magaciisa lagu sheegay Abu Hussein al-Qurayshi." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweyne Erdogan ayaa yiri "Hawlgal ay Hay'adda Sirdoonka Sabtidii ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan."
Waxa kaloo uu yiri "Tani waa markii ugu horreysay oo aan halkan ka sheego, qofkan waxaa lagu soo geba-gabeeyay hawlgal ay MIT fulisay."
Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixsada, iyagoo aan kala saarin.
"Waanu sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirno ururada argagixisada, iyadoo aan la kala soocin." Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Madaxweynuhu ma sheegin goob gaar ah oo hawlgalkaasi laga fuliyay, balse wararka laga helayo dalka Suuriya ayaa sheegaya in weerarku uu ka dhacay magaalada waqooyiga dalkaasi ku taala ee Jandris.
Abu Hussein al-Qurayshi ayaa Hoggaamiyaha Daacish loo doortay daba-yaaqadii bishii November ee sanadkii hore, ka dib markii hoggaamiyhii isaga ka horreyay waa Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi lagu dilay dagaal bartamihii bishii October ka dhacay koonfurta Suuriya, gaar ahaan Gobolka Darca (Daraa).
Afhayeenka Daacish, Abu Umar al-Muhajir ayaa waxa uu xilligaasi Abu Hussein al-Qurayshi ku tilmaamay “Waa mid ka mid ah dagaalyahanada ruug-caddaaga ah, waana mid ka mid ah wiilasha u daacadda ah Dowladda Khilaafada Islaamka.”
Haddii la xaqiijiyo sheegashada Erdogan, ee ah in ninkaasi la dilay ayaa waxa uu noqonaya hoggaamiyihii ugu muddada gaabnaa ee Daacish.


