Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo gaaray Degmada Luuq

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ayaa isku dayaya in ay xaliyaan xiisadda beelo deegaanka ah oo ka taagan degmadaasi.

Beelahan oo Jimcihii illaa iyo Axaddii ku dagaalamayay degmadaasi ayaa waxaa ku dhintay labaatan qof, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Dagaalka oo markii hore u dhaxeeyay laba beelood ayaa waxaa dib kaga biirtay beel saddexaad, taas oo sida la sheegayo ka carootay dil ay mid ka mid ah maleeshiyadaasi u gaysteen askari ka tirsanaa Saldhigga Booliska Luuq, laguna magacaabi jiray Cali Cabdullaahi Gardhuub, waana xilli xiisadda labada beelood ee kale ay ka bilaatay dil loo gaystay askari ka tirsanaa Ciidanka Hay'adda Nabad Sugidda ee degmadaasi.

Beeshan dambe ayay wararku sheegayaan in ay si isu mida ula dagaalantay labada maleeshiyo, iyadoo dagaalka ay qayb ka ahaayeen askar ka tirsan kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo ku milmay colaadda beelaha.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka oo qayb ay ka yihiin xubno ka tirsan Goleyaasha Jubbaland iyo masuuliyiin ka socda Dowladda Federaalka ay nabadeyn ka dhex bilaabi doonaan beelaha, isla-markaana ay ka shaqayn doonaan, sidii salka loogu dhigi lahaa nabadgelyada deegaanka.

Colaaddan ka soo cusboonaatay Degmada Luuq ayaa waxaa ku barakacay inta badan dadkii deganaa degmadaasi, waxaana ku basbeelay suuqii ganacsiga ee Luuq.

Suuqa Waratada ee Degmada Luuq oo ku yiilay inta u dhaxeyso Saldhigga Booliska iyo Masjidka Al-Raxma ayaa ahaa ishii dhaqaale ee ugu muhiimsanaa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii iyo maleeshiyadii ku dagaalamay halkaasi, garab ka mida mooyee ay intii kale dibad joog  ka yihiin magaalada.

Wafdiga Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay Degmada Luuq ka bilaabaan kulamo ay la qaadanayaan odayaasha qabaa'ilada, si xiisadda loo dejiyo, loogana wada hadlo wixii tabasho ah ee jira.

Hay'adaha Dowladda Federaalka ayaa la filayaa in ay deeq raashiin gaarsiiyaan degmadaasi, si loogu qaybiyo bulshada deegaanka.