Madaxweyne Pezeshkian oo meesha ka saaray warka Trump ee khilaafka hoggaanka dalka

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa beeniyay sheegashada Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan in uu khilaaf soo kala dhex galay Madaxda Iran.

Madaxweynaha Iran ayaa xoojiyay falcelinta masuuliyiinta dalkaasi ee lagu diiday warka Trump, ee ah inay laba garab u kala jabeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Iran, sheegayna in dalku uu mideysan yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa hoos u dhigay sheegashada Trump, iyagoona sheegay in dalku uu mideysan yahay, kana xoogan yahay sidii hore, waana waxa uu Madaxweynuhu adkeeyay.

"Iran ma jiraan xagjir ama dhexdhexaad." Ayuu yiri Madaxweyne Masoud Pezeshkian oo intaasi ku daray in dhammaantood ay yihiin Iran, kacaanka wadajirka ah ee qaranka iyo dowladda, isla-markaana ay si buuxda ugu hoggaansan yihiin awaamiirta Hoggaamiyaha Sare ee Kacaanka, Ayatollah Mojtaba Khamenei.

"Waxaan ka dhigi doonnaa dembiilaha mid ka qoomameeyo ficiladiisa." Ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian oo caawa qoraal ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

"Ilaah keliya, hal ummad, hal hoggaamiye iyo hal waddo, jidkaas oo ah dariiqa guusha qaaliga ah ee Iran, oo ka qaalisan nolosha." Ayuu yiri Pezeshkian.

Mohammad Reza Aref, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Iran oo isna mar dambe hadlay ayaa sheegay in Iran aysan ahayn dal kala ququban, balse waa qalcadda midnimada, sida uu yiri.

"Iran ma ahan dal kala daadsan, laakiin waa qalcadda midnimada." Ayuu yiri Mohammad Reza oo intaasi ku daray "Kala duwanaanshahayaga siyaasadeed waa dimoqraadiyadeenna, haddana waqtiyada khatarta ah, waxaan nahay gacmo keli ah oo hal calan ku hoos jira, si aan u ilaalino ciiddeenna iyo sharafteenna, waxaan ka gudubnaa dhammaan calaamadaha, waxaana nahay hal naf iyo hal qaran."

Trump iyo saraakiisha kale ee Aqalka Cad ayaa illaa Arbacadii ku celcelinayay in uu jiro khilaaf weyn oo u dhaxeeya Madaxda Iran.

Trump ayaa sheegay in Iraaniyiintu ay ku adag tahay inay ogaadaan cidda uu hoggaamiyahoodu yahay, isagoona ku andacooday in uu jiro dagaal u dhaxeeya siyaasiyiinta xagjirka ah iyo kuwa qunyar-socodka.

Hadalada Trump ayaa yimid, ka dib markii uu baaqday wareegga labaad ee wada hadaladii la qorsheeyay inay Washington iyo Tehran ku yeeshaan dalkaasi Pakistan, wuxuuna ka dambeeyay, ka gadaal markii Tehran ay ka hortimid inay ka qaybgasho wada hadalada nabadda ee Islamabad, iyadoo aan la qaadin xanibaadda Mareykanka ee Dekedaha Iran.