Madaxweyne Trump: Iran naguma rakaatayn karto Hormuz

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inaysan Iran ku rakaatayn karin Mareykanka inay xireyso marin biyoodka Hormuz, isagoo daba jooga tallaabadii ugu dambeysay ee Iran ay Sabtidan dib ugu xirtay Marinka Hormuz.

Madaxweynaha oo Wariyeyaasha kula hadlay Xafiiskiisa Oval ee Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxda Iran ay doonayaan inay xiraan marinka maraakiibta ganacsiga ee Hormuz, wuxuuna sheegay in Mareykanku aanu ogolaan doonin in rakaato iyo caga juglayn lagu sameeyo, iyadoo lagu handadayo in la xirayo Hormuz.

Madaxweynaha ayaa Iraaniyiinta uga digay inaanan Mareykanka loogu hanjabi karin xiridda Hormuz, isagoona ugu yeeray in ay ka feejignaadaan ficiladooda marin biyoodkaasi.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa maanta sheegay in ay adkeynayaan gacan ku haynta Marinka Hormuz, iyadoo lagaga jawaabayo go'doominta sii socota ee Mareykanka uu ku hayo dekedaha dalkaasi.

Ciidamada Mareykanka ayaa Isniintii bilaabay inay go'doomiyaan Dekedaha Iran, si looga hortago saliidda ay Tehran dhoofiso. Taliska Iran ayaa sheegay in go'doominta joogtada ah ee Mareykanka ay jebineyso shuruudaha xabad joojintii labada toddobaad ee lagu heshiiyay 7-dii bishan.

Dhanka kale Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu wada hadalo wanaagsan kula jiro Iran, isagoona rajo ka muujiyay in labada dal ay heshiis gaari karaan.

Trump oo sii hadlayay ayaa sheegay in heshiis lala gaaro Iran uu suurtagal noqon karo, si loo dhameeyo xiisadda labada dal.

Trump ayaa sheegay in Iran ay sameynayso wax yar uu kaftan ama xeelad ah, sida ay sameynayeen buu yiri 47-kii sano ee la soo dhaafay.

Trump ayaa intaasi ku daray in uu rajeynayo in wax badan la caddayn doono, oo ku aaddan arrinta taagan.