Madaxweyne Trump oo bedelay siyaasaddiisii ku wajahneyd Ruushka
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa markii ugu horreysay bedelay siyaasaddiisii ku wajahneyd dalka Ruushka ee dagaalka uu dalkaasi ku hayo Ukraine, isagoona Madaxweyne Vladimir Putin ku eedeeyay inaanu dooneyn in la soo afjaro dagaalkan.
Madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay 20-kii bishii January, waxa uu dabacsanaan u muujinayay Hoggaamiyaha Ruushka, isaga oo diidanaa in Washington ay sii waddo taageeradii militari ee Dowladdii Madaxweyne Joe Biden ay siineysay Ukraine. Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ee sanadkii hore ku ololeynayay in uu soo afjari doono dagaalka Ukraine iyo kan Gaza.
Trump ayaa hadda sheegaya in qalab casri ah ay u diri doonaan Ukraine, si ay isaga difaacdo weerarada kaga imanaya Ciidamada Ruushka, waana markii koowaad ee Trump laga maqlo in dowladdiisu ay hubeynayso Kyiv.
Trump ayaa tilmaamay in gantaalada nidaamka difaaca hawada ee Patriot ay siinayaan dowladda dalkaasi, maadaama ay wax ka tarayaan in la yareeyo khasaaraha ay gaysanayaan duqaymaha Ruushka.
Trump ayaa ku hanjabay in canshuuro adag ay ku soo rogi doonaan Ruushka, haddii muddo 50 maalmood ah lagu gaari wayo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.
Waxa uu sheegay in Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo uu ku khasbanaan doono in ay helaan heshiis xabad joojin ah, oo si dedgeg ah loogu soo afjarayo dagaalka ka socdo dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka oo xalay Aqalka Cad ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Gaashaanbuurta NATO, Mark Rutte ayaa hoosta ka xariiqay in hubka ugu sarreya ee Mareykanka uu haysto ay u daabuli doonaan Kyiv, iyadoo kharashaadka ay bixinayaan dalalka kale ee xubnaha ka ah NATO.
Mareykanka ayaa ahaa dalka taageerada ugu badan ee militari siinayay Ukraine, ka dib markii Ruushku uu dalkaasi ku duulay 24-kii bishii February ee sanadkii 2022, inkastoo taageeradaasi ay meesha ka baxday, markii uu Trump ku soo laabtay Aqalka Cad.
Trump ayaa warkiisa ku sheegay in Ukraine ay siinayaan hubka ay u baahan tahay, iyada oo iska difaaceysa weerarada ballaaran ee Militariga Ruushka.
Trump ayaa go'aankan ku dhawaaqay, ka gadaal markii uu ka quustay inaysan Moscow dooneyn in la dhameeyo dagaalkan, taasi bedelkeedana ay ka shaqeynayso, sidii uu ku sii socon lahaa.
Tani ayaa waxay calaamad u tahay in uu dhammaaday is afgaradkii Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, oo bilowgii aad arki kartay in xiriirkoodu uu yahay mid wanaagsan.
Putin ayaa horey u soo dhaweeyay dib u doorashadii Trump, isagoona u arkayay nin ay wada shaqayn karaan, marka loo eego Biden oo wax xiriir ah aanu kala dhaxeyn.
Trump ayaa la sheegaa in muddada uu xafiiska joogo in illaa sideed mar uu khadka teleefanka kula hadlay Putin, si bal xabad joojin looga sameeyo dalka Ukraine, laakiin wada hadaladoodii u dambeeyay ay natiijo la'aan ku soo dhammaadeen.
Labada dowladood oo 18-kii bishii February ku kulmay Magaalada Riyadh ayaa ku heshiiyay dhowr mowduuc oo mabda’ ahaan aan laga tallaabi karin, oo ay ku jiraan soo celinta shaqaalaha diblomaasiyadda, in la bilaabo hannaan wada hadal oo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine, in laga wada shaqeeyo qaban-qaabada kulan ay yeeshaan Putin & Trump iyo in la bilaabo qaadista cunaqabateyntii Mareykanka ee Ruushka, laakiin qodobadan oo aan fulin ayaa loo maleynaya in ay caqabad ku noqdeen xiriirka labada nin.
Putin ayaa la sheegaa in Trump uu ku booriyay in dowladdiisu ay qaaddo cunaqabateynadii is daba jooga ahaa ee Madaxweyne Biden uu ku soo rogay Moscow ee lagaga jawaabayay duulaankoodii Ukraine, ha yeeshee uu Trump ka caga-jiiday inuu tixgeliyo codsiga Putin, iyadoo aan la soo afjarin dagaalka bariga Yurub.













