Madaxweyne Trump oo sheegay in go'doominta Dekedaha Iran ay waxtar badan yeelan doonto
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in go'doominta Mareykanka ee Dekedaha Iran ay noqon doonto mid aad waxtar u leh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in go'doominta qorsheysan ee Mareykanka ay bilaaban doonto maanta oo Isniin ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dalal kale ay Mareykanka kala shaqeynayaan, si ay gacan uga gaystaan joojinta Iran ee iibinta saliidda, isagoo aan sheegin magacyada dalalkaasi.
"Waxyaabo badan oo aad u wanaagsan ayaa ka dhacaya marin biyoodka Hormuz." Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay "Dhammaan Ciidamadooda Badda waxay ku jiraan biyaha."
Madaxweyne Trump ayaa Iran ku eedeeyay in aysan dooneyn inay ka tanaasusho hamigeeda nuclear-ka, intii ay wada hadalka ku lahaayeen Magaalada Islamabad.
Trumo ayaa sheegay in Tehran ay weli dooneyso hubka nuclear-ka, isla-markaana ay Iraaniyiintu ka caddeeyeen wada hadaladii nabadda ee Islamabad.
"Weli way rabaan, taasna way caddeeyeen habeen hore." Ayuu yiri Trump oo xalay Wariyeyaasha kula hadlayay Garoonka Ciidanka Cirka Mareykanka ee Joint Base Andrews ee duleedka Magaalada Washington, mar uu ka soo laabanayay Gobolka Florida. Trump ayaana ku goodiyay inaanu ogolaan doonin in Iran ay nuclear yeelato.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in go'doominta lagu sameynayo Dekedaha Iran ay saamayn ku yeelan doonto dhammaanba maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee imanaya amaba ka baxaya xeebaha dalkaasi, oo ay ku jiraan Dekedaha Iran ee saaran Khaliijka iyo Gacanka Cumaan.
Taliska CENTCOM ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka aysan maraakiibtaasi u ogolaan doonin inay ka gudbaan Marinka Hormuz.
Tallaabada uu Mareykanku ku go'doominayo Dekedaha Iran ayaa ah cadaadis dhaqaale oo Washington ay saareyso Tehran.










