Madaxweyne Trump oo sheegay inuu kulan adag la yeelan doono Netanyahu

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Isniinta soo socota uu kulan adag la yeelan doono Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, marka uu soo booqdo Aqalka Cad, si loo soo afjaro colaadda Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in si dhow uu Raysal Wasaaraha Israel uga la shaqayn doono baahida loo qabo in la dhameeyo dagaalka Gaza.

Madaxweynaha ayaa Talaadadii shalay Wariyeyaasha u sheegay mar uu booqanayay xarun dadka muhaajiriinta lagu hayo oo ku taala Gobolka Florida in sidoo kale uu Raysal Wasaaruhu doonayo arrintan, si loo gaaro heshiis xabad joojin ah lagu soo afjarayo dagaalka.

"Waxaan doonaynaa inaan dib u soo celino la haysteyaasha." Ayuu yiri Madaxweynuhu, waana xilli heshiiska xabad joojinta loo arko midka keliya ee suurtagelinaya in iyagoo nool ay guryahooda dib ugu soo laabtaan maxaabiista Israel ee lagu haysto gudaha Gaza.

Madaxweyne Trump oo sii hadlayay ayaa sheegay in marka toddobaadka soo socda ay Netanyahu kulmaan ay ka wada hadli doonaan Gaza iyo guusha ay ka gaareen sida uu sheegay dagaalka Iran.

Inkastoo labada hoggaamiye ay u dabaal-degi doonaan weeraradii Israel iyo Mareykanka ee xarumaha nuclear-ka ee Iran, haddana Gaza ayaa ah ajandaha ugu muhiimsan ee wada hadalkooda.

"Waxaan raadinaynaa in xabad joojinta Gaza ay dhacdo toddobaadka soo socda." Ayuu yiri Madaxweyne Trump oo hadlayay, ka hor booqashada saddexaad ee Netanyahu uu sanadkan ku tagayo dalkaasi iyo kulanka isha lagu hayo ee ay 7-da bishan ku yeelan doonaan Aqalka Cad.

Trump ayaa muujiyay in uu Israel ku cadaadinayo in ay si dhakhsa ah u joojiso duqaymaheeda baahsan ee Gaza, oo tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay ku dhinteen 56,647 qof oo u badan dumar iyo carruur, balse ay Tel Aviv u arkeysay mid ay cadaadis militari ku saareyso Xamaas.

Netanyahu ayaa Axaddii amray in la guda galo wejiga xiga ee dagaalka Gaza, waxaase la sheegay in si lama filaan ah uu Talaadadii dhanka kale uga soo jeestay, isla-markaana uu bilaabay in uu u ololeeyo heshiiska xabad joojinta, sababtu tahay cadaadiska Trump, inkasta oo Trump lagu tilmaamo nin is bedel badan.

Netanyahu ayaa muddo dheer ku hanjabayay in aysan Xamaas la geli doonin heshiis suurtagelinaya in si buuxda loo soo afjaro dagaalka, iyadoo aan la xaqiijin hadafyadii ay u weerareen Marinka Gaza ee kala ahaa burburinta Xamaas, dib u soo celinta maxaabiista iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqonin Israel.

21 bilood oo dagaalkan uu socday, Israel ayaan weli xaqiijin yoolashadeedii dagaalka, waxaana hadda jira ifafaalo muujinaya in dhinacyadu ay daneynayaan in xalka lagu raadiyo dariiqa diblomaasiyadda, waaba haddii cadaadiska Trump uu sii jiro.