Madaxweyne Xasan: Dhallinyarada la marin habaabiyay waxay haystaan fursad

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhallinyarada ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ee la khalday ay haystaan fursad ay maanta ugu soo laaban karaan dadkooda, iyagoo cafis weydiisanaya.
Madaxweynaha oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadd Ciidda Carafo ayaa sheegay in iyadoo Diinta Islaamka ay xaaraantinimeysay in lagu xadgudbo qofka Muslimka ah dhiiggiisa iyo sharafkiisa ay haddaana Shabaabku baneysteen dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo sidii ay u dhibaatayn lahaayeen.
"Waxaa wax lala sii fajaco ah in kooxda Khawaarijtu ay ku adkeysanayaan, kuna faanayaan inay daadin karaan dhiigga qofkii camalkooda foosha xun diida in uu la qaato." Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa ku waramaya in Shabaabku ay caqabad ku yihiin dib-u-dhiska dalka iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin.
"Walaalayaal Khawaarijtu waxay caqabad ku yihiin dib-u-dhiska dalka iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ay shacabka Soomaaliyeed baahida u qabaan, oo ay ugu horreyso baahida bani'aadantinimo ee ay iyagu sababeen. Waxay khatar weyn ku hayaan jiritaanka madaxbannaanida dalka, iyaga oo horseeda baahiyo Somaliya ay ka maarmi kartay." Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la khalday ugu baaqay inay haystaan fursad ay uga soo laaban karaan sida uu sheegay habowga, keliyana ay uga filan tahay inay cafis weydiistaan dadkooda iyo dowladdooda.
"Haddaba maalintan farxadda leh dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen Khawaarijta, waxay haystaan fursad inay ka soo laabtaan habowga, oo ay cafis weydiistaan dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda." Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray "Sidaasi daraadeed waxaan ugu baaqayaa dhallinyaradaas, waalidiintood iyo cid kasta oo u caqli celin karta in ay u caddeyso in ay weli haystaan fursad ay dib ugu soo noqon karaan dadkooda iyo deegaanadooda, kana qayb qaadan karaan dib-u-dhiska dalkooda."
Shabaabka ayaa lagu tilmaamaa in ay caqabad weyn ku yihiin amniga dalka, sida laga bartayba muddadii sideed iyo tobanka sano ahayd ee ay dalka ka dagaalamayeen.
Shabaabka ayaa dagaal adag la galay dowladihii kala dambeeyay ee dalka, iyaga oo markaasi ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka.