Madaxweyne Xasan Sheekh oo abaalmarino guddoonsiiyay arday ku guuleysatay tartanka Quraanka kariimka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray tartanka Quraanka kariimka ah ee bisha barakeysan ee Ramadan ayaa abaalmarino guddoonsiiyay ardayda ku guuleysatay kaalmaha hore.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tartankan Quraanka kariimka wiilsha iyo gabdhaha ka qaybgalay, culimada hoggaamineysay iyo dowladda oo soo qaban-qaabisay ay ka tarjumeyso, sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhegan yihiin diintooda, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladnimada Soomaaliyeed ay aasaas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Madaxweynaha ayaa abaalmarin dhan labaatan kun oo dollarka Mareykanka ($20.000) waxa uu guddoonsiiyay Cabdifataax Axmed  Maxamed oo kaalinta koowaad u galay tartan sanadeedka Quraanka kariimka ee qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa abaalmarino kale guddoonsiiyay xufaadda kala ah Saabiriin Xasan Maxamed, Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed, Xuseen Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Ibraahim Maxamed oo galay kaalimaha xigga ee tartanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay waalidiinta iyo macallimiinta barbaariyay ardaydan ku guuleysatay tartanka Quraanka kariimka ah, waxa uuna Alle uga baryay in uu ku anfaco, fahamkooda barakeeyo, kana yeelo kuwii dalkooda ugu adeega.