Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa kula kulmay Raysal Wasaare Abiy Ahmed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalkaasi Itoobiya, oo howlo shaqo uu u tegay.
Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa si diiran Madaxweynaha Somaliya ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Bole, iyadoona booqashan lagu soo beegay hal bil oo laga joogo heshiiskii uu Turkigu garwadeenka ka ahaa ee ay labada dowladood 11-kii bishii December ku gaareen Magaalada Ankara, isla-markaana lagu soo afjarayay khilaafkii labada dal ee ka dhashay hehiiskii is afgaradka badda ee ay Itoobiya la gaartay Somaliland.
"Labada hoggaamiye waxa ay yeesheen wada hadalo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan, sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal." Ayaa lagu yiri war saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Villa Somalia.
Warka ayaa lagu sheegay "Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in la soo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhaxeeya, iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta metelaadda diblamaasiyadeed ee labada caasimadood. Sidoo kale madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobolka, si dhowna looga wada shaqeeyo danta guud.
Somaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeyay in xasilloonida gobolka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wada shaqayn xoogan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hoggaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaalada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobolka iyo is fahamka guud.
Wada hadalada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wada shaqayntooda, si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobolka.
Dhinaca kale madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabeyaasha fududeynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal.
Ugu dambayn waxa ay madaxdu adkeeyeen, sida ay uga go'an tahay hirgelinta Heshiiskii Ankara, iyada oo loo marayo jewi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardargelinta guddiyada farsamo ee hirgelinta heshiiskaas."
Heshiiskan ayay Muqdisho iyo Addis Ababa ku soo afjareen 11 bilood oo xiisad siyaasadeed ah, si weyna looga dareemay Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in heshiisku uu aasaas adag u noqon doono iskaashi iyo barwaaqo ku dhisan is ixtiraamid.
Heshiiska ayaa taageeraya in Itoobiya aysan dhinacyada dalka la geli karin wax heshiis ah, iyadoo aan ogolaansho ka haysan Dowladda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Erdogan ayaa 16-kii December sheegay in labada bilood ee ugu horreya sanadkan uu soo booqan doono Somaliya iyo Itoobiya, isaga oo xoojinaya heshiiska labada dal.