Madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in fursad la siiyo wada hadalada dowladda iyo mucaaradka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo la isku yiraahdo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland u sheegay in uu doonayo in fursad la siiyo, isagoo markaai ka hortagaya in wada hadaladu ay burburaan.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa maanta kulankoodii labaad ku yeeshay Aqalka Villa Somalia, iyadoona galabta uu natiijo la'aan ku soo dhammaaday.
Labada dhinac ayaa kulankan si dhow uga dooday wax ka bedelka Dastuurka KMG iyo arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashada saddexda Dowlad Goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ee muddo xileedkoodu dhammaaday. Doodda ayaa waxaa mid adag ka dhigay nooca doorasho ee laga qabanayo saddexdaasi maamul.
Wararaka ayaa sheegaya in Xubnaha Golaha Mustaqbalka ay Madaxweynaha Dowladda Federaalka uga diggeen inaysan marnaba aqbali doonin in maamuladaasi laga qabto doorasho qof iyo cod ah, isla-markaana la mid ah middii 25-kii bishii December ka dhacday Gobolka Banaadir oo kale. Golaha ayaa doorashada noocan ah u arka mid hal dhinac ah, isla-markaana aan daahfurneyn.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in intii uu kulanku socday Siyaasiyiinta Mucaaradka ay Madaxweynaha ku cadaadiyeen in maamulada loo madaxbannaaneeyo doorashadooda, iyadoo Guddiga Doorashooyinka Qaranka aanu maamuleyn doorashooyinkaasi, maamuladana ay raacaan dastuurada ay ku shaqeeyaan.
Ilo wareedyada ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynuhu uu siyaasiyiinta xusuusiyay in arrintani aysan ku jirin ajandaha shirkooda, isla-markaana ay ku soo laabtaan doodda ku saabsan nooca ay noqon doonto Doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada Qaranka.
Saacado badan oo dhinacyadu ay wada fadhiyeen ayaynaan wax horumar ah ka samayn khilaafka muddada dheer ka taagan in laga heshiiyo doorashada soo socota ee dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayay wararku sheegayaan in uu ku adkeystay in dalka laga qaban karo doorasho dadweyne, isla-markaana ay mucaaradku kaga jawaabeen inaysan taasi suurtagal ahayn, iyadoo la eegayo waqtiga dastuuriga ah ee Hay'adaha Dowladda Federaalka oo geba-gabo ku dhow. Mucaaradka ayaa la sheegaya in ay doonayaan in lagu laabto doorashadii dadbaneyd ee dhowr iyo labaatanka sano wax lagu soo dooranayay, si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah, laakiin uu Madaxweynuhu ka biyo diiday, sababtu tahay waa inuu doorashadaasi u arko mid dabreysa geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliya.
Diidmadan waxay mucaaradku u fasirteen in uu Madaxweynuhu ka shaqeynayo muddo kororsi, iyagoona isaga tegey Xarunta Madaxtooyada oo kulanka ay kaga qaybgaleen.
Siyaasiyiin ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qorsheynayay in ay qabtaan shir jaraa'id, oo ay ku sheegayaan in uu fashilmay wada hadaladii labada dhinac ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh la xiriiray xubno ka mid ah golaha, isagoona weydiistay in fursad la siiyo illaa maalinta berrito ah, taasoo ay xubnuhuna ka aqbaleen.
Ma cadda waxa berrito dhici kara, waxaase laga yaabaa in mucaaradku ay waqti dheeraad ah siiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqdo in uu raadinayo fursad ay wada hadaladu ku sii socon karaan.







