Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Jowhar ee Hirshabelle

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Madaxweynaha oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sarreyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la xiriira, sidii uu xarigga uga jari lahaa mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.

"Madaxweynaha Dowladda Somaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweyne Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si wadajir xarigga uga jaray saddex waddo oo kala ah 1. Horseed, 2. Hanti-wadaag iyo Jowhar-bile, kuwaas oo sahli doono isku socodka shacabka Caasimadda Hirshabelle." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

Socdaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu sanadkan ku tago Hirshabelle, iyadoo deegaanada Hirshabelle haatan looga diyaargaroobayo doorashada soo socota.