Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tegay Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa wasaaraddaasi u booqday, sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ay dowladiisu kula jirto kooxaha argagixisada.

"Madaxweynaha ayaa kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida & Hay’adda Nabad Sugidda, si loo dardargeliyo hawlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay "Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dhageystay Hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixio ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagu la jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa, isaga oo ku bogaadiyay daddaalada geesinnimada iyo naf hurinimada leh ee ay muujiyeen Ciidamada Xoogga Dalka."

Villa Somalia ayaa riixeysa dardargelinta wejiga labaad ee hawlgalka lagu la dagaalamayo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa horaantii bishan Galmudug iyo Hirshabelle ka bilaabay abaabul ay ciidamadu ugu diyaargaroobayaan guluf ballaaran oo lagu qabanayo deegaanada ay Shabaabku kaga harsan yihiin labadaasi maamul.