Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ergay gaar ah oo ka socda dalka Suudaan
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjire Dafa-Allah al-Hajj Ali, kaas oo ka socday Golaha Sare ee dalka Suudaan.
Madaxweynaha ayaa Ergayga la wadaagay, sida Dowladda Federaalka uga walaacsan tahay dagaalka ka soconaya dalkaasi.
"Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna ku celiyay baaqii Dowladda Federaalka Somaliya ee ku wajahnaa dhammaan walaalaha Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, fursadna siiyaan wada xaajoodyada iyo xalka nabadda." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.
Qoraalka ayaa lagu sheegay "Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay, sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin nabadda, midnimada iyo hay'adaha dastuuriga ah ee dalka Suudaan, waxa uuna xaqiijiyay in codka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ee IGAD, Midowga Afrika iyo Hay'adaha Qaramada Midoobey ay ku garab istaageyso dowladnimada iyo xasilloonida dalka Suudaan."
Dagaalka dalka Suudaan oo galay toddobaadkiisii afaraad ayaa u dhaxeeya ciidamo kala taageeraya labada janaraal ee ugu awoodda badan militariga dalkaasi, kuwaa oo ku loolamaya talada dalka.






