Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladda ay mudnaan siineyso horumarinta xarumaha waxbarashada diiniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay Tartanka Quraanka Kariimka ee bisha barakaysan ee Ramadan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaan gaar ah siineyso horumarinta xarumaha waxbarashada diiniga ah, isla-markaana ay Dowladnimada Soomaaliyeed aasaas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay wiilasha iyo gabdhaha ka qaybgelaya Tartanka Quraanka Kariimka ee uu hirgeliyay xafiiskiisa, isla-markaana ay soo qaban-qaabiyeen Culimada iyo Wasaaradda Diinta & Awqaafta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in tani ay ka tarjumeyso, sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu dhegan yihiin diintooda suuban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Dowladda Federaalka oo sanad kasta bisha Ramadan qabato Tartanka Quraanka Kariimka ayaa lagu abaalmariya ardayda kaalmaha hore ka gasho tartanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanadkii hore abaalmarin dhan labaatan kun oo dollar ($20,000) waxa uu guddoonsiiyay Cabdifitaax Axmed Maxamed, kaas oo kaalinta koowaad ka galay tartankaasi. Madaxweynaha ayaa sidoo kale abaalmarino guddoonsiiyay xufaadda kala ah Sabiriin Xasan Maxamed, Cabdiqaadir Yuusuf Maxamed, Xuseen Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Ibraahim Maxamed oo galay kaalimaha hore ee tartanka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in daba-yaaqada bishan Ramadan uu abaalmarino guddoonsiiyo kuwa kale ee kaalmaha hore ka galo tartanka sanadkan.