Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray cutubyo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa dalkaasi tababar ugu soo xiray cutubyo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidamadan oo muddooyinkii ugu dambeysay lagu tababayay dalkaasi ayaa soo bandhigay dhoola-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarada ay qaateen.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay ciidamadaasi ayaa sheegay in dowladdiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso dib-u-habaynta Ciidanka Qaranka, oo aasaas u ah dowladnimada dalka iyo in si degdeg ah loo soo afjaro maleeshiyada Al Shabaab.

Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada Ciidamada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in uu dul istaago noloshooda iyo tababarada ay qaateen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dowladda Uganda uga mahadceliyay taageeradeeda, sidoo kalena Dowladda Emirate-ka Carabta ayuu uga mahadceliyay bixinta kharashka ku baxay tababarka ciidanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u biro tumanaya, sidii dowladdiisa ay dalka kaga suulin laheyd kooxaha argagixisada.