Mahdi Al Mashat oo ku hanjabay in Yemen ay kordhin doonto weeraradeeda Israel

Mahdi Al Mashat, Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa sheegay in Israel aysan niyad jebin karin shacabka Yemen, ka dib duqayntii ay Arbacadii shalay ka gaysatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Sanca, wuxuuna ku hanjabay in Israel ay wajihi doonto xagaa kulul.

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay afar gantaal ku dhufteen dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee garoonkaasi. Maareeyaha Garoonka Sanca ayaana sheegay in weerarka lagu burburiyay diyaarad ay lahayd Shirkadda Yemen Airways.

Israel ayaa waxay sheegtay in ciidamadeedu ay beegsadeen garoonka ugu weyn ee dalka Yemen, maalin ka dib markii Xoogaga Xuutiyiinta ay laba gantaal ku weerareen gudaha Israel. Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa sheegay in Ciidanka Cirka Israel ay burburiyeen diyaaraddii ugu dambeysay ay Xuutiyiintu haysteen.

Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, Mahdi Al Mashat ayaa sheegay in weerarada ceynkani oo kale ah ay Yemen ku riixayaan oo keliya in ay sii xoojiso weeraradeeda ay garab istaaga ugu muujineyso Falastiiniyiinta reer Gaza.

"Gardarrada Sayuuniyadda ee ka dhanka ah Garoonka Diyaaradaha Sanca waxay caddeynaysaa xanuunka uu ku hayo weeraraadeenna." Ayuu yiri Mahdi Al Mashat.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri "Gardarrada Sayuuniyadda iyada oo aan loo eegin waxa ay tahay, nagama joojin doonto inaan taageerno Falastiin, waxayna nagu riixi doontaa inaan kordhino weeraradayada la xiriira in la joojiyo gardarrada Gaza."

Waxa uu sheegay in shacabka Yemen aysan ka laaban doonin go'aanka ay ku diidan yihiin duulaanka Gaza, illaa uu ka joogsanayo dagaalka Gaza, lagana qaadayo go'doominta ay sii wadi doonaan weeraradooda.

"Yemen kama laaban doono taageerada Falastiin. Yemen kama laaban doonto go’aanka ay ku taageereyso Gaza, illaa uu ka joogsado dagaalka, go’doomintana laga qaado." Ayuu yiri Mahdi Al Mashat.

Al Mashat ayaa ku hanjabay in xagaagan uu noqon doono mid kulul, isagoona yiri "Sahyuuniyadda waa inay sugaan xagaa kulul."

Waxa uu intaasi ku daray in gantaalada ridada dheer ee Yemen ay gaari doonaan meel kasta oo dhulka Israel ah, waxa uuna farriin goodin ah u diray Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

"Netanyahu waxaan leenahay ma awoodi doontid inaad xoolaha Sahyuuniyadda ka ilaaliso gantaaladayada." Ayuu yiri Al Mashat.

Al Mashat ayaa shirkadaha duulimaadyada ee weli ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv uga digay inay halis ku jiraan daqiiqad kasta, ayna tahay inay ka fogaadaan garoonkaasi.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa isna weerarkii Garoonka Sanca ku tilmaamay isku day ay Israel ku dooneysay in ay reer Yemen kaga joojiso taageeradooda Falastiiniyiinta, laakiin aan marnaba la cabsi gelin karin.

"Si kasta oo ay tahay baaxadda gardarrada Sahyuuniyadda iyo si kasta oo ay u soo noqnoqdaan, ma saamayn doonto mowqifka dadkeenna ay ku taageerayaan Falastiin. Cadowga Sahyuuniyadda wuxuu wajahayay xaalad ciirsi la'aan ah, ka dib markii Mareykanku uu ka baxay garabkooda, uuna joojiyay duqaymihii uu ka gaysanayay Yemen." Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xuutiyiinta.

Abdul-Malik Al Houthi ayaa sheegaya in Israel ay tahay inay filato Ciidamada Yemen oo laba laaba weerarada ay kaga dhiidhinayaan xasuuqa Gaza iyo go'doominta lagu hayo.

Hanjabaadahan ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Hoggaanka Xuutiyiinta ayaa ku soo aadaya, xilli shacabka Israel ay maalmihii u dambeysay ka cabanayeen kororka gantaalaha ka soo dhacaya jihada dalka Yemen.