Mareykanka iyo Canada oo digniin ka soo saaray rabshadaha Mexico

Dowladaha Mareykanka iyo Canada ayaa siyaabooyin kala duwan digniino uga soo saaray rabshadaha baahsan ee ka soo kordhay dalkaasi Mexico, ka dib hawlgalkii ay shalay ciidamada dalkaasi ku dileen Nemesio Rubén Oseguera Cervantes (El Mencho), oo ahaa ninkii loogu doon doonista badnaa ee dalka oo dhan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalkaasi uga digtay in ay sahashadaan qulqulatooyinka ka jira dalka.

Wasaaradda ayaa si gaar ah muwaadiniintooda ku sugan Gobolada Jalisco, Tamaulipas, Michoacan, Guerrero iyo Nuevo Leon ku wargelisay in ay ku sii sugnaadaan meelo nabdoon, inta ay xaaladdan taagan tahay.

Muwaadiniinta Canada ayaa sidoo kale lagu booriyay inaysan u safrin Mexico, iyadoo kuwooda ku sugana la faray in ay taxadaraan, waana xilli rabshuduhu ay u muuqaan kuwo gaaray meeshii ugu sarreysay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Canada ayaa muwaadiniintooda dalxiiska u jooga dalkaasi uga digtay in ay ku dhacaan waddooyinka ku dhawaad 10 gobol oo dalkaasi ah, oo ay xireen taageereyaasha ninka la dilay.

Wasaaradda ayaa dadka Canadian-ka ku boorisay in ay raadsadaan meelaha gabaadka wanaagsan leh ee goobaha ay ku sugan yihiin, isla-markaana ay la socdaan wararka Warbaahinta, ayna raacaan awaamiirta amniga ee dowladda dalkaasi.

Anita Anand, Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto xaaladdan.

Dalxiiseyaasha shisheeye ee ku sugan Mexico ayaa qaar ka mid ah laga soo xigtay in ay la yaabeen baaxadda rabshadaha, sida lama filaanka ah uga qarxay dalkaasi.

Rabshadahan ayaa ka dhashay hawlgal ay Ciidamada Mexico ku dileen El Mencho, oo madax u ahaa Ururka CJNG oo Mexico iyo Mareykankaba uga diiwaangashan urur dembiileyaal ah oo daroogada ka ganacsada.

Mareykanka ayaa horey 15 milyan oo dollar u dul dhigay madaxa El Mencho, waxaana abaalmarintaasi loo ballanqaaday in la siin doono ciddii keenta xog lagu soo qaban karo ninkaasi.