Mareykanka iyo Iran oo gaaray heshiis lagu soo afjarayo dagaalka

Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa gaaray heshiis qabyo, kaas oo lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe, oo ay ku jirto xabad joojin laga sameeyo Lubnaan.

Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa sheegay in labada dal ay gaareen heshiis nabadeed, oo lagu soo afjarayo buu yiri howlaha militari ee dhinac walba ah, oo ay qayb ka tahay Lubnaan.

Heshiiska ayaa waxaa ku jira in la qaado cunaqabateynta caalamiga ah ee muddada dheer saaran Iran iyo dib-u-furista marin biyoodka Hormuz, oo ku xirmay duulaankii Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February ku qaadeen dalkaasi.

Xirnaanshaha Marinka Hormuz ayaa cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba ku noqday Maamulka Madaxweyne Donald Trump, iyadoo kor u kaca qiimaha batroolka ee gudaha Mareykanka uu gaaray meeshii ugu sarreysay, muddo dhowr sano ah. Sidoo kale dagaalkan ayaa sii wiiqay dhaqaalaha Iran, marka aad eegto xayiraadaha uu Mareykanka bishii April saaray Dekedaha Iran.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi ayaa sheegay in heshiisku uu socon doono muddo lixdan maalmood ah, iyada oo mudnaanta koowaad ay tahay in la qaado dhammaan cunaqabateynada ka dhanka ah dalkiisa.

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Iran ayaa Isniintan sheegay in dhexdhexaadiyeyaal ka socda Qatar ay Axaddii Magaalada Tehran ku yeesheen wada hadal qaatay 14-15 saacadood, si ay is afgarad uga gaaraan heshiis qabyo ah oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran.

"Wafdi ka socda Qatar ayaa shalay ku sugnaa Tehran, si ay u soo geba-gabeeyaan doodaha ku saabsan qoraalka Islamabad ee heshiiska is afgaradka ee Iran iyo Mareykanka." Ayuu yiri Gharibabadi.

Gharibabadi ayaa intaasi ku daray in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ugu dambayn aqbashay hindisaha heshiiskan, oo sida uu sheegay ay ka soo shaqeysay Dowladda Pakistan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in labada dal ay gaareen heshiis looga gol leeyahay in lagu dhameeyo colaadda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in heshiiska la dhaqangeli doono Jimcaha, markaas oo sida uu sheegay ay dhinacyada saxiixi doonaan.

Qoraalka heshiiska oo dhameystiran ayaan weli lala wadaagin Warbaahinta, waxaana la filayaa in saxiixa heshiiska uu ka dhici doono Switzerland.

Heshiiskan ayaa u muuqdo kiisii ugu weynaa ee labada dhinac ay gaaraan, tan iyo markii uu dagaalka ballaaran ka qarxay Bariga Dhexe, muddo laga joogo in ka badan 100 maalmood.