Mareykanka iyo Xamaas oo heshiis gaaray

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in ay sii deynayaan askariga Israeliga ah ee sidoo kalena haysta dhalashada dalka Mareykanka, ka dib heshiiskiii ay iyaga iyo Mareykanka xalay ku gaareen dalka Qatar.

Saraakiil ka socota labada dhinac ayaa kulan fool ka fool ah ku yeeshay Caasimadda Doha, waana markii ugu horreysay oo ay si toos ah isku horfariistaan.

Ururka reer Falastiin ayaa bayaan ku sheegay in la sii deyn doono Edan Alexander, isaga oo qayb ka ah dadaalada lagu xaqiijinayo in la furo waddooyinka Marinka Gaza iyo in gargaarka la gaarsiiyo dadka reer Gaza, iyada oo markaasi la bilaabo wada hadal ay tahay in lagu soo afjaro dagaalkan.

Bayaanka laguma sheegin goorta la sii deyn doono askarigan, waxaase loo maleynaya in muddo 48 saac ah lagu sii deyn doono.

Ku dhawaaqista ku saabsan sii deyntiisa ayaa timid maalin ka hor booqashada Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu Talaadada berrito ku tagayo Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Mareykanka iyo iyo Wakiilkiisa Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa muddooyinkan ka shaqeynayay, sidii lagu sii deyn lahaa askarigaasi, oo ka mid ahaa dadkii lagu soo qafaashay weerarkii 7-dii October ee sanadkii 2023.

Witkoff ayaa Warbaahinta u sheegay in Xamaas ay aqbashay in la sii daayo askarigaasi, iyadoo buu yiri la rajeynayo in dib loo bilaabo wada hadalada xabad joojinta.

Xamaas waxay xaqiijisay inay diyaar u tahay in si degdeg ah loo bilaabo wada hadalo dhab ah, oo horseedi kara bay tiri heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

Dowladaha Qatar iyo Masar oo ah labada dowladood ee dhexdhexadiya Xamaas iyo Israel ayaa soo dhaweeyay warka Xamaas, waxayna tallaabada Xamaas ku sheegeen mid ay u arkaan niyad wanaag iyo tallaabo dhiirigelineysa in dhinacyadu ay dib u bilaabaan wada hadalada xabad joojinta Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa war uu soo saaray ku sheegay in sii deynta Xamaas ee Alexander ay horseedi doonto in wada-xaajood lagu sii daayo maxaabiista harsan.

Netanyahu ayaase ku andacoonaya in Israel aanu waxba iska bedelin mowqifkeedii dagaalka, heshiis kasta oo lala gelayo Xamaas-na aanu noqon doonin mid si buuxda loogu soo afjarayo colaadda, taas oo aan la ogeyn sida ay ku xaqiijin karaan, marba haddii Mareykanku uu u muuqdo mid garabkeeda ka sii baxaya, ka dib in muddo ah oo Washington ay ku taageereysay xasuuqeeda Gaza.

Aqalka Cad ayaa sheegaya in ay ka go'an tahay in la soo afjaro colaadda Gaza, si loo joojiyo dhiigga dadka rayidka ah ee daadanaya.

Mareykanka ayaa xalay heshiiskii ugu horreyay ee ceynkiisa ah la galay Xamaas, si loo dhameeyo dagaalka 19-ka bilood ka soconaya Marinka Gaza, waana Mareykanka oo urur argagixiso u tixgelinayay Xamaas, balse go'aansaday in miiska wada hadalka la fariisto.

Saacado uun ka hor, inta aan heshiiskan la gaarin, Madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal ku sheegay in goor dhow ay dadku maqli doonaan war ay ku farxaan amaba uu caalamku la yaabo.

Madaxweyne Trump ayaa maalmihii u dambeysay u muuqday mid qaadaya tallaabooyin waaweyn, oo dowladdiisu ay wax kaga bedeleyso xaaladda Gobolka Bariga Dhexe.

Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii la soo dhaafay ku dhawaaqay in dalkiisu uu heshiis la galay Xuuthiyiinta Yemen, iyadoo aan laga talagelin Israel, si Xuuthiyiinta ay weerarada uga joojiyaan maraakiibta Mareykanka ee mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyana looga joojiyo duqaymihii lagu hayay.