Mareykanka oo 40 sano ka dib markab nuclear ku hubeysan u diray Gacanka Korea

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dalka Kuuriyada Koonfureed u dirtay mid ka mida maraakiibteeda qaada madaxyada nuclear-ka, tani oo noqonayso markii ugu horreysay tan iyo 1980-kii.

Isku duwaha Indo-Pacific ee Aqalka Cad, Kurt Campbell ayaa sheegay in markabka gujiska (SSBN) ee USS Kentucky uu Talaadadii ku xirtay Dekedda Busan.

"Tani waa markii ugu horreysay ee marin-biyoodka nuclear-ka ee Mareykanka muddo tobanaan sano ah." Ayuu yiri Kurt Campbell oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Seoul ee dalkaasi Kuuriyada Koonfureed.

Wasaaradda Difaaca Kuuriyada Koonfureed ayaa dhankeeda sheegtay in markabka quusa ee USS Kentucky uu gelinkii dambe ee Talaadadii soo gaaray Dekedda Busan.

Go'aanka naadirka ah ee Mareykanka uu markabkaasi ugu diray Koonfurta Kuuriya ayaa qayb ka ah heshiis madaxda labada dal ay bishii April ku gaareen Magaalada Washington, markaas oo Madaxweyne Yoon Suk-yeol uu Aqalka Cad kula kulmay dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, si looga jawaabo khatarta sii kordheysa ee nuclear ee Pyongyang.

Lee Jong-sup, Wasiirka Gaashaandhigga Kuuriyada Koonfureed ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid ka tarjumeysa, sida uu Mareykanku u fulinayo ballanqaadkiisa ku aaddan ka hortagga dheeriga ah, oo ay ku jirto in xitaa uu isticmaali doono cududiisa militari oo qayb ay tahay adeegsiga nuclear-kiisa, si loo ilaaliyo badqabka xulafada.

Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka ayaa bilaabay in ay isku diyaariyaan ka jawaabidda, haddii uu dhaco dagaal nuclear oo lala galo Kuuriyada Waqooyi.

Maraakiibta quusta oo badaha caalamka u kala goosha ayaa ka mid ah maraakiibta xambaara gantaalaha nuclear-ka, waxaana loo diyaariyay in ay si degdeg ah kaga jawaabaan weerarada degdegga ah.

Washington ayaa go'aankeedan ku dhaqaaqday, iyadoo Pyongyang u arago khatar weyn oo ka dhan ah amnigeeda iyo tan xulafada, haddii ay sii horumarineyso hubkeeda wax gumaadda, inkastoo ay cunaqabateyn caalamiya saaran tahay.

Pyongyang ayaa toddobaadkii hore sameysay tijaabadeedii labaad ee gantaalaha balaastikada ee qaaradaha isaga gudba.