Mareykanka oo dal Carbeed u maray in wada hadal lala bilaabo Xuuthiyiinta

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn uga walaacsan go'doominta ay Xuuthiyiinta Yemen gelinayaan Dekedaha Israel, ka dib markii ay ballaariyeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee ku wajahan dekedahaasi.
Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa maalmihii ugu dambeysay maraakiib fara-badan ku weeraray marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyagoo adeegsanaya gantaalaha balaastikada iyo drones-ka is qarxiya.
Xuuthiyiinta ayaa toddobaadkii hore soo saaray amar ay maraakiibta caalamiga ah kaga mamnuucayaan Dekedaha Israel, si aanay bartilmaameed ugu noqon xoogagooda.
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ciidamadooda ay weerari doonaan maraakiibtaasi dal kasta oo laga leeyahay, haddii ay la macaamilaan Dekedaha Israel, tani oo ay sheegeen in ay jawaab u tahay go'doominta Israel ee dadka reer Gaza, oo ay ka hortaagan tahay cuntada, dawada, shidaalka iyo biyaha ay u baahan yihiin.
Weerarada Xuuthiyiinta ayaa si weyn u saameeyay badqabka shixnadaha ganacsiga ee Badda Cas, sidoo kalena dhaawacay ganacsiga badda ee Israel ee wax soo dejinta iyo dhoofinta.
Iyadoo laga fogaanayo in colaadda gobolka ay meel adag gaarto, Mareykanka ayaa Dowladda Cumaan ka codsaday inay Xuuthiyiinta ka dhaadhiciso in ay wada hadal la furaan dunida, si looga gudbo caqabadda soo wajahday isu socodka maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas.
Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa xaqiijiyay in ay la soo xiriirtay Dowladda Cumaan, si ay u dhexdhexaadiso iyaga iyo caalamka.
Mohammed Abdul-Salam oo ka tirsan Saraakiisha Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay inaanay wax gorgortan ah ka geli doonin mowqifkooda, illaa iyo inta Israel ay ka joojineyso weerarada gardarada ay ku hayso Gaza iyo shacabkeeda, looguna ogolaanayo gargaarka bani'aadantinimo.
Mohammed Abdul-Salam ayaa sheegay in ay weerarada joojin doonaan, kolka gargaar ku filan loo ogolaado shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Magaalada Gaza.
"Tallaabo kasta oo dhab ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka bani'aadantinimo ee Gaza, iyada oo la keenayo cunto iyo dawo, waxay gacan ka gaysaneysaa joojinta weerarada." Ayuu yiri Mohammed Abdul-Salam.
Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree oo garowsan in Mareykanku uu gadaal ka riixayo Dowladda Cumaan ayaa isna sheegay in weeraradooda ay sii wadi doonaan, illaa iyo inta wax laga qabanayo duulaanka Israel ee Gaza.
"Ciidanka Xuuthiyiinta Yemen waxay xaqiijinayaan in hawlgalada militari ee ka dhanka ah Maamulka Sahyuuniyadda ay sii socon doonaan, illaa inta uu ka joogsanayo duulaanka gardarada ah ee ay ku hayaan walaalaheenna ku sugan Marinka Gaza." Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa sii raaciyay "Ciidanka Yemen waxay ugu baaqayaan dhammaan shacabka xorta ah ee Carbeed & Islaamka iyo dhammaan shacabka xorta ah ee ku nool daafaha caalamka inay mowqif sharaf leh ka qaataan qaddiyadda Falastiin, isla-markaana ay taageeraan oo ay xoojiyaan iska caabinta xorta ah."
Mareykanka ayaa waxaa suurtagal ah in uu weeraro Saldhigyada Xoogaga Xuuthiyiinta, haddii Xuuthiyiinta aysan aqbalin dadaalada dhexdhexaadinta.
Xuuthiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa gacanta ku haya inta badan Yemen, inkastoo aysan dunidu aqoonsanayn. Xuuthiyiinta ayaa sare u qaadidda xiisadda badda ka leh qorshe ay ku cadaadinayaan Israel, si ay joojiso dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas ee maamula Gaza.


