Mareykanka oo si weyn ugu diyaargaroobay duulaanka Iran

Markabka dagaalka Mareykanka ee USS Gerald R. Ford ayaa Jimcihii lagu arkay Badda Mediterranean-ka (Badda Dhexe), iyadoo laga yaabo in Mareykanku uu duulaan hawada ah ku qaado Iran. Markabkan ayaa ah markabka dagaal ee dunida ugu weyn, isla-markaana xambaara diyaaradaha ugu badan.

Markabka USS Gerald R. Ford ayaa ka yimid Badda Caribbean-ka, isagoona ka qayb qaatay hawlgalkii ay Ciidamada Mareykanka 3-dii bishii January ku soo xireen Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores.

Markabkan oo ah kan ugu casrisan dunida, isla-markaana ay leeyihiin Ciidanka Badda Mareykanka ayaa ku soo wajahan Gobolka Bariga Dhexe, tani oo calaamad u ah in dagaal uu dhici karo.

Mareykanka ayaa waxaa horey Bariga Dhexe uga joogay saddex iyo toban markab oo uu ku jiro markabka ay diyaaradaha dagaalka dushiisa ka haadaan ee USS Abraham Lincoln.

Hoggaamiyaha ugu sarreya ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa Talaadadii ka digay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay awood u leedahay inay dejiso maraakiibta dagaalka ee Mareykanka uu keenay gobolka.

Dhaqdhaqaaqan ay Ciidamada Mareykanka ka wadaan Bariga Dhexe ayaa lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee tan iyo markii Mareykanka uu ku duulay Ciraaq, 23 sano ka hor.

Warbaahinta Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in Saraakiisha Militariga ay Madaxweyne Donald Trump ku wargeliyeen in ciidamadu ay hadda diyaar u yihiin in weerar la qaado.

Madaxweyne Trump ayaa Khamiistii ka digay in Mareykanku uu weerari karo Iran, haddii aan dhawaan la gaarin heshiis nuclear ah.

Trump ayaa Jimcihii sheegay in uu ka fiirsanayo in weerar xadidan lagu qaado Iran, haddii aysan Tehran ogolaanin in heshiis laga gaaro barnaamijkeeda nuclear-ka.

Trump ayaan weli bixin amar ay ciidamadiisu ku weerari karaan Iran, sababtu tahay in uu miisaamayo cawaaqibka ka dhalan karo weerar ay ku qaadaan dalkaasi.

Wargeyska The Wall Street Journal ayaa daabacay in Trump uu dib u eegayo xulashooyinka weerar xadidan oo lagu beegsanayo Xarumaha Dowladda Iran iyo Xeryaha Militariga.

Maamulka Trump ayaa fahamsan in tallaabo kasta oo Mareykanku uu qaado ay ka dhalan doonto aargoosi ay Iran samayn doonto, taasoona keeni karta isku dhac ballaaran.

Trump ayaa ka warwareeganaya in uu si fudud ku bixiyo hal amar oo lagu weerari karo Iran, isagoo og in tani ay halis gelin karto danaha Mareykanka ee gobolka.

Trump ayaa cadaadis kala kulmaya Israel oo maamulkiisa ku riixeysa in uusan ka laba labeen in meesha laga saaro nidaamka ka arrimiya Iran.

Taasi cagsigeeda Trump ayuu culeys ka haystaa Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe, kuwaas oo diidan in hawadooda iyo dhulkoodaba laga weeraro Iran. Hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa ka cararaya in dagaalka uu ku soo fidi doono dalalkooda, marka aad eegto in Mareykanku uu saldhigyo ku leeyahay, isla-markaana ay Iran haysato gantaalaha ballaastikada oo garaaci kara.

Trump ayaa sidoo kale wajahaya cadaadis ka haysta gudaha , laguna diidan yahay dagaalkan. La taliyeyaasha difaaca ee Trump ayaa uga digay xasaradaha amni iyo dhaqaale ee ka dhalan kara weerarka Iran.

Fara-gelin kasta oo Mareykanka uu ku sameeyo madaxbannaanida Iran ayaa keeneysa in Trump uu ku sii tala-galo natiijo aan la filan karin.