Mareykanka oo VIISAHA kala noqonaya Madaxweyne Gustavo Petro

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegaya in fiisaha dal-ku-galka ay kala noqon doonaan Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, iyadoo loo sababeeyay ficilo taxadar la'aan ah iyo inuu kicin sameeyay, taas oo la xiriirta khudbad uu Jimcihii ka jeediyay mudaaharaad ka dhacay ka soo horjeedka Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York.

Mudaaharaadkan oo lagu diidanaa xasuuqa Israel ee Gaza ayuu Madaxweynuhu ku baaqay halgan hubeysan oo caalami ah, oo sida uu sheegay lagu xoreynayo Falastiin, isagoo daba jooga diidmada Israel ee aqoonsiga dunida ee Dowladnimada Falastiin.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qoraal ku sheegtay in Madaxweynuhu uu istaagay waddo ku taala New York, isla-markaana uu Ciidamada Mareykanka ku booriyay inay ka horyimaadaan awaamiirta dowladda, ayna huriyaan rabshado.

"Waxaan Petro kala noqon doonnaa fiisaha, iyadoo ay ugu wacan tahay ficiladiisa taxadar la'aanta ah iyo kuwa kicinta leh." Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Madaxweyne Petro ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ee Isniintii gaaray New York, iyagoo ka qaybgelaya Meertada 80aad ee Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkan ku qotomay qaddiyadda qaranimada Falastiin iyo hirgelinta xalka laba dal, oo Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay leeyihiin, isla-markaana si amni ah ugu wada nool Gobolka Bariga Dhexe.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa sanadkan goobjoog ka noqday, iyadoo dalal badan oo reer galbeed ahi ay Falastiin u aqoonsanayaan dal madaxbannaan.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel aysan ogolaan doonin in Falastiiniyiintu ay yeeshaan dal madaxbannaan, sababtu tahay sida uu yiri in ay dhibaato ku noqon doonto amniga Israel.

Ingiriiska, Faransiiska, Belgium, Portugal, Malta, Australia, Canada iyo dalal kale ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay aqoonsigooda Dowladnimada Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa si la mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee dunida u arka in xalka labada dal uu yahay kan keliya ee suurtagelinaya in la soo afjaro colaadda Israel iyo Falastiin ee tobanaanka sano ka socotay Bariga Dhexe.