Mareykanka oo walaac ka muujiyay qorshaha Netanyahu uu ku ballaarinayo dagaalka
Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay doonista Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ee ku saabsan in la sii wado weeraro ka dhanka ah Ururka Xisbullah iyo inaanan la soo afjarin colaadda Lubnaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo hadlayay saacado ka dib, weerarkii xooganaa ee Israel xalay fiidkii ka gaysatay koonfurta Magaalada Beirut ayaa sheegay in xalku aanu ku jirin hawlgal militari.
"Dowladda Mareykanka waxay aaminsan tahay in waddada loo marayo xalka uu yahay diblomaasiyadda ee ma ahan dagaal." Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa dhinacyada ugu baaqay inay xabadda joojiyaan, isagoo xusay in weli diblomaasiyadda ay furan tahay, xitaa iyadoo Israel ay iska dhega tirtay baaqyada xabad joojinta, ayna sii waddo duqaymaha ay ka gaysaneyso dalka Lubnaan.
"Israel iyo Xisbullah waa inay labadooduba xabadda joojiyaan. Weli waddada diblomaasiyadda way furan tahay." Ayuu yiri Wasiir Blinken.
Blinken ayaa sheegay inay adkaan doonto in la helo waan-waan nabadeed, inta ay arkayaan ficilada uu mid ka mid ah ku ballaarinayo dagaalka.
"Diblomaasiyadda waxay u ekaan kartaa mid adag in la arko xilligan." Ayuu yiri Blinken oo xusay in Saraakiisha Mareykanka ay uruurinayaan xogta ku saabsan khasaaraha duqaymihii Israel ee Beirut.
Blinken ayaa yiri "Waxa labada dhinac ay doortaan maalmaha soo socda ayaa go'aamin doona waddada gobolkani uu ku socdo. Haddii dagaal ay doortaan waxa uu cawaaqib xun ku yeelan doonnaa dadkiisa, hadda iyo sanadaha soo socdaba."
Dhanka kale Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo booqasho ku joogay dalka Mareykanka ayaa soo gaabiyay booqashadiisa, wuxuuna si degdeg ah ugu laabtay Israel.
Raysal Wasaaraha ayaa ka tallaabsaday soo jeedintii Faransiiska iyo Mareykanka ee la xiriirtay in muddo 21 maalmood ah la hakiyo colaadda labada dal, intaasina laga wada shaqeeyo xalka xabad joojinta waarta oo laga sameeyo xuduudda labada dal.
Wax yar ka hor weerarkii fiidnimadii Jimcaha ee ka dhacay Beirut, Netanyahu oo khudbad ka jeediyay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ayaa ku hanjabay in Israel ay sii wadi doonto ololaheeda militari ee ka dalka Lubnaan.
Tani waxay dadka qaarkii ku macneeyeen dhammaadka rajadii uu caalamka ka qabay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda Israel iyo Lubnaan.
Dowlado badan oo kuwa caalamka ah ayaa taageeray hindisaha Mareykanka iyo Faransiiska ay Arbacadii soo bandhigeen, si miiska wada hadalka loogu xaliyo khilaafkooda.