Mareykanka, Talyaaniga, Ingiriiska iyo Jarmalka oo garab istaag u muujiyay Israel

Dowladaha Mareykanka, Talyaaniga, Ingiriiska, Jarmalka iyo Ukraine ayaa is garabtaag u muujiyay Israel, ka dib weerarkii Xoogaga Xamaas ku qaadeen koonfurta Israel.
Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku uu si buuxdo u garab taagan yahay Israel, isla-markaana ay xaq u leedahay in ay is difaacdo.
Sidoo kale Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Ukraine oo khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay in ay garab taagan yihiin.
Warsaaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaashaasi ay u muujiyeen xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo, inta ay doontaba ha qaadatee.
Xiisadda ka soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Israel ayaa u muuqato mid meel adag gaartay.
Israel ayaa la sheegaya in ay isku diyaarineyso hawlgal ballaaran oo ciidamadeedu ay ka fuliyaan Marinka Gaza, taas oo kaga sii dareysa xaaladda bani'aadanimo ee markii horeba ka jirtay Gaza.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in ay Gaza ka jarayaan korontada, shidaalka iyo badeecadihii ay siin jireen.
Dadka reer Gaza ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay 2007-dii wajahayay go’doomin dhulka, badda iyo cirka oo Israel ay saartay, waana Gaza oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof.


