Markabka ganacsiga ee Maersk Sentosa oo lagu weeraray Badda Carabta

Ururka Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay Badda Carabta ku weerareen markabka Maersk Sentosa, oo ay leedahay shirkadda xamuulka badaha ee Maersk.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay Talaadadii weerarka u adeegsadeen gantaalaha lidka maraakiibta iyo kuwa kale ee baalasha leh.

Afhayeenka oo ka soo muuqday telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al-Masirah ayaa sheegay in ciidamadooda ay gantaalaha la beegsadeen markabka kunteenarada qaada ee Maersk Sentosa.

Shirkadda shixnadaha ganacsiga badda ee Maersk ayaa sheegtay in mid ka mid ah maraakiibteeda oo lagu magacaabo Maersk Sentosa uu soo sheegay in shay duulaya lagu la soo weeraray waqooyiga Gacanka Cadmeed.

Maersk ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegtay in aan la soo sheegin dhaawac soo gaaray shaqaalihii la socday markabka amaba burbur soo gaaray markabkaasi.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa dhanka kale sheegay in xoogagooda ay isla Badda Carabta ku weerareen markabka Marathopolis, sidoo kalena ay Gacanka Cadmeed ku beegsadeen markab kale oo lagu magacaabo MSC Patnaree, iyadoo la adeegsanayo diyaarado drones ah.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa bishii November bilaabay inay marinada maraakiibta ee Bariga Dhexe ku weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, waxayse bishii January ku dhawaaqeen bartilmaameedyo sharci oo ka dhan ah maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska, ka dib markii ciidamada dalalkaasi ay bishaasi bilaabeen inay weeraro ka gaystaan dhulka ay Xuuthiyiinta kaga sugan yihiin dalka Yemen.

Yahya Saree, Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta ayaa sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisa Ingiriiska iyo Israel aysan u furneyn waddo aan ahayn in la soo afjaro dagaalka Marinka Gaza.

Saree ayaa sheegay in weeraradooda maraakiibta ay sii socon doonaan, inta ay Israel ka joojineyso weeraradeeda ka dhanka ah dadka reer Gaza, isla-markaana ay ka soo afjareyso go'doominta ay ku hayso.