Markabka Minervagracht oo ka ambabaxay Jabuuti, ka hor inta aan la gubin

Shirkadda Maraakiibta ee Spliethoff oo iska leh markabka xamuulka ee Isniintii ay Xuutiyiinta Yemen ku gubeen marin biyoodka Gacanka Cadmeed ayaa sheegtay in markabkeedu aanu u socon Israel, xilligii la weerarayay.
Shirkaddan oo fadhigeedu uu yahay dalka Holland ayaa sheegtay in markabkeeda Minervagracht uu ka soo shiraacday dhanka bari ee Jamhuuriyadda Jabuuti, markii uu weerarku ku qabsanayay Gacanka Cadmeed.
Shirkadda Spliethoff ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markabka uu haleelay qarax weyn, xilli uu ku gooshayay biyaha caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed, isla-markaana ay dhaawacmeen laba ka mid ah 19 shaqaale oo markabka la socday.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in maraakiib ka ag-dhaweyd goobta ay u gurmadeen markabka, isla-markaana ay ka daadgureeyeen shaqaalahooda.
"Markabka waxaa soo gaaray waxyeelo weyn, waxaana ka kacay dab." Ayaa lagu yiri bayaanka oo intaasi ku daray "Markabka ma wadin wax shixnad ah, xilligii uu weerarku dhacayay."
Hawlgalka Midowga Yurub ee Badda Cas ee lagu magacaabo Aspides ayaa Talaadadii sheegay in markabka uu ku gubanayo Gacanka Cadmeed.
Markabka ayaa 23-kii bishii September ka badbaaday weerar loogu gaystay marinka Bab El-Mandeb, kaas oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Markabka ayaana la sheegay in weerarkaasi ka dib uu maalmo ku hakaday dhinaca Jabuuti, markii uu isku dayay inuu soo ambabaxana uu la kulmay weerarkan labaad ee jugta weyni ka soo gaartay.
Shirkadda Spliethoff waxay sheegtay inay welwel badan ka muujineyso weerarada lagu bartilmaameedsanayo maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree oo xalay xaqiijiyay in xoogagooda ay gantaal cruise ah la heleen markabkaasi ayaa sababta loo weeraray ku sheegay in uu jebiyay awaamiirtii ay ka soo saareen inaanan la tagi karin Dekedaha Israel.
Afhayeenka ayaa ku hanjabay in ay burburin doonaan markab kasta oo ku xadgudba qorshaha ay ku go'doominayaan dekedahaasi, isla-markaana ay weeraradoodu sii socon doonaan, illaa iyo inta ay Israel ka soo afjareyso weeraradeeda Gaza iyo go'doominta ay ku hayso.
Xuutiyiinta Yemen ayaa bishii November ee sanadkii 2023 bilaabay in ay weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaha ay maamusho, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay, si loogu mucaarado duulaankeeda Gaza.
Xoogaga Xuutiyiinta ayaa muddo yar ka dib soo rogay xeer cusub, kaas oo bartilmaameed sharci ah ka dhigaya markab kasta oo jebiya awaamiirtooda, iyadoo la beegsanayo isaga oo aan xitaa u socon Israel, balse la eegayo xadgudubka hore ee uu sameeyay.