Martin Griffiths oo dhalleeceeyay duulaanka Israel ee Gaza

Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani'aadanimada, Martin Griffiths ayaa dhalleeceeyay gacanta adag ee ay Ciidamada Israel ku wajahayaan dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza.

Martin Griffiths ayaa war naxdin leh ku tilmaamay dadkii rayidka ahaa ay Ciidamada Israel Sabtidii ku laayeen Dugsiga Al-Fakhoora ee waqooyiga Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa beegsaday dugsigaasi oo ay maamusho Qaramada Midoobey, kuna yaala xerada qaxootiga ee Jabalia.

Martin Griffiths ayaa sheegay in Xarumaha Qaramada Midoobey iyo goobaha waxbarashada ay yihiin kuwo ka caagan dagaalka.

"Dhismayaasha Qaramada Midoobey waa meel nabdoon, dugsiyaduna waa goob waxbarasho." Ayuu yiri Martin Griffiths.

Waxa kaloo uu yiri "Waa war naxdin leh carruurta, haweenka iyo ragga la dilay, iyaga oo gabaad ka dhiganaya Dugsiga Al-Fakhoora ee waqooyiga Gaza. Dadka rayidka ah ma awoodaan, mana u adkeysan karaan ​​arrintan oo kale mar dambe."

Griffiths ayaa ku baaqay "Bani'aadantinimadu waxay u baahan tahay inay ka adkaato, sida ay haatan tahay."

Dhanka kale Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la aqoonsado dhibaatada dhinacyada, haddii xorriyadda Falastiiniyiinta iyo Israel ay isku xiran tahay.

"Xorriyadda Israel iyo Falastiin way isku xiran tahay, midba midka kale ayay ku xiran tahay rajada keliya ee nabadda. In la aqoonsado bani'aadantinimada iyo dhibaatada midba midka kale waa muhiim." Ayuu yiri Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey.

"Qof kasta oo rayid ah wuxuu leeyahay xuquuq isku mid ah, si uu ugu noolaado nabad iyo xorriyad. Taasi waa ballanqaadkii baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha." Ayuu yiri Volker Türk.

Volker Türk ayaa sheegay inay doonayaan in colaadda la joojiyo, si looga gudbo dhacdooyinka argagaxa leh ee laga soo warinayo Marinka Gaza.

"Waa in ay jirtaa xabad joojin ku saleysan bani'aadantinimo & xuquuqul insaanka iyo joojinta dagaalka. Ma aha oo keliya in la gaarsiiyo cunto iyo gargaar bani'aadanimo oo degdeg ah, laakiin si loo helo waddo looga baxo argagaxa." Ayuu yiri Türk.

Türk oo hadalkiisu uu ku socday Maamulka Tel Aviv ayaa yiri "Waa in la dhageysto baaqyada Beesha Caalamka."

Militariga Israel ayaa shalay koonfurta iyo waqooyiga Gaza ka gaystay duqaymo ay ku dhinteen dad tiradooda lagu sheegay illaa laba boqol oo qof oo rayid ah.

Israel ayaa lagu eedeeyay in ay dib u soo cusbooneysiisay weeraradeeda ka dhanka ah dadka rayidka ah, xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu dhawaan meelmariyay qaraar ku baaqaya in si degdeg ahi loo joojiyo colaadda Gaza.