Martin Griffiths: Waxaan ka baqayaa in tii ugu xumeyd ay weli soo socoto

Madaxa Gargaarka Bani'aadanimada ee Qaramada Midoobey, Martin Griffiths ayaa sheegay in shacabka Falastiiniyiinta ay wajahayaan xaaladdii ugu adkeyd, isagoona toddobaadkii tegay ku sheegay mid baqdin badan oo gurmadka bani'aadantinimadana uu ku guuldareystay.
Waxa uu sheegay in go'doominta adag ay Israel gelisay Marinka Gaza ay kaga sii dartay xaaladdii bani'aadanimo ee markii hore ka jirtay magaalada
Duqaymaha lixaadka leh ee Ciidamada Israel ka gaysteen Gaza ayuu sheegay in ay galaafatay nolosha kumanaan qof, tiiyoo haddana dadka lagu khasbay in ay ka baxaan waqooyiga Gaza, ayna taggaan dhanka koonfureed ee magaalada, xilli uu sheegay inaanay ka jirin wax nabadgelyo ah.
Martin Griffiths ayaa ka digay in uu ka cabsi qabo in xaaladdii ugu darneyd ay hadda uun ku soo fool leedahay dadka reer Gaza.
"Waxaan ka baqayaa in tii ugu xumeyd ay weli soo socoto. Gaza ayaa waxaan ka jirin koronto, biyo iyo shidaal, sidoo kalena waxaa gabaabsi ku sii ah sahayda cunnada, isbitaaladana waxaa soo foodsaartay dawo yari, meydadkuna way buuxdhaafiyeen." Ayuu yiri Martin Griffiths.
Waxa kaloo uu yiri "Xaaladda bani'aadantinimo ee Gaza oo horeba u ahayd mid halis ah ayaa si degdeg ah u noqonaysa mid aan laga sii hawlgeli karin."
Martin Griffiths ayaa ka digay rabshadaha soo xoogeysanaya ee ka socdo Daanta Galbeed ee u dhaxeeya Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel.
Griffiths ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Xoogaga Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta Lubnaan iyo Maamulka Israel.
Sarkaalkan ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray ku sheegay in waxa ka socdo Falastiin ay yihiin dembiyo dagaal, cid wax ka qabaneysana aanay jirin.
Dunida ayaa ka naxday ciqaab wadareedka dadka rayidka ah ee Gaza, taas oo Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk uu ku sheegay dembi dagaal.
Maamulka Israel ayaa lagu eedeeyay in ay si cad uga horyimaadeen baaqyada Hay'adaha Qaramada Midoobey ee ku aaddan in maamulkaasi uu soo afjaro go'doominta lix iyo tobanka sano ee saaran Gaza.


