Masar oo si ku-meel-gaar ah u fureysa xadka Rafah ee ay la wadaagto Gaza

Dowladda Masar ayaa maanta saacado kooban fureysa xadka Rafah ee dalkaasi uu la wadaago koonfurta Gaza, si ay uga gudbaan ajaaniinta ku xaniban xuduudda.
Ciidamada ilaalada xuduudaha Masar ayaa la sheegay in albaabka Rafah ay u furi doonaan dadka ajaaniibta ah ee isaga soo cararay dhulka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan qiyaastii 600 oo muwaadiniinta Mareykanka ah inay u gudbaan dhanka Masar.
"Marinka Rafah ee koonfurta Gaza ayaa waxaa la furi doonnaa saacado yar (Isniintan), waxaana la xiri doonnaa galabnimada." Ayay ku warantay Warbaahinta ABC ee laga leeyahay Mareykanka.
Masar ayaa Sabtidii diiday in ay furto isgoyska Rafah, taas oo ay shuruud uga dhigtay in marka hore ay Israel ogolaato gargaarka bani'aadantinimo ee ku xayiran xadkeeda in la gaarsiiyo dadka reer Gaza.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken oo gelinkii dambe ee Axaddii gaaray Caasimadda Qaahira ayaa la kulmay Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi, kaas oo ay si dhow uga wada hadleen xiisadda cirka isu sii shareereysa ee ka taagan Bariga Dhexe.
"Madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay dadaalada lagu joojinayo weerarada Xamaas iyo in la xaqiijiyo sii deynta la haysteyaasha, ilaalinta rayidka, fududaynta marin ammaan ah oo muwaadiniinta Mareykanka ah ay maraan iyo in la hubiyo in gargaarka bini'aadanimo uu gaaro rayidka Falastiiniyiinta." Ayuu yiri Antony Blinken.
Blinken ayaa Israel ugu baaqay in ay sameyso wax kasta oo suurtagal ah, si ay uga fogaato waxyeelada dadka rayidka ah.
Dowladda Masar ayaa toddobaadkii xirtay xadka Rafah, ka dib rabshadaha dib uga soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Israel.
Masar ayaa sidoo kale ka biyo diiday inay magangelyo siiso qaxooti cusub oo Falastiiniyiin ah, iyadoona ku baaqday in la joojiyo barakacinta khasabka ah ee lagu hayo dadka reer Gaza.


