Masar oo xirtay xadka ay la wadaagto Gaza, xilli dadku ay duqaymaha ka baxsanayaan

Dowladda Masar ayaa maanta xirtay xadka ay la leedahay Marinka Gaza, xilli Ciidamada Israel ay kordhiyeen duqaymaha ay ka wadaan Gaza.

Warbaahinta Masar ayaa sheegtay in dowladdu ay xirtay xadka Rafah, illaa amar dambe.

Tani ayaa la sheegaya in ay caqabad ku tahay dadka rayidka ah ee ka baxsanaya duqaynta ku socoto Gaza.

Ciidanka Cirka Israel ayaa Gaza ka wado weeraro dhanka hawada ah, oo sida la sheegay ay ku bartilmaameedsanayaan goobaha Xamaas.

Boqolaal kun oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Gaza ayaa ka baxsanaya duqaymaha, ka dib markii Ciidamada Israel ay xalay duqayntii ugu xooganeyd ka gaysteen magaaladaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa saakay sheegtay in duqaynta Gaza ay ku dhinteen 704 qof, oo ay ku jiraan 143 carruur ah iyo 105 haween ah, halka afar kun oo kalena ay ku dhaawacantay.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in hawlgalka dhinaca cirka ee ka dhanka ah Xamaas uu hadda uun bilow yahay.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa khudbad uu u jeedinayay shacabkiisa ku sheegay in ay ka aargudan doonaan Xoogaga Xamaas ee Sabtidii weerarka ka gaystay sida uu sheegay Israel.

Waddada Rafah ee la isaga kala gudbo Masar iyo Gaza ayaa muhiim u ahayd shacabka ka baxsanaya duqaymaha.

Rabshadahan ugu dambeeyay ee dib uga soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Israel ayaa si weyn looga dareemay Bariga Dhexe.

Weerarka Xamaas ay Sabtidii ka gaysatay dhulka la haysto ee Israel deegaamaynta ka wadday ayaa la xiriira carro ka dhalatay go’doominta muddada dheer ay Israel ku hayso Gaza iyo falalka daandaansiga ee muddooyinkii ugu dambeysay ay Israeliyiintu ka sameynayeen Dhismaha Masjidka Al-Aqsa.