Masiirka Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran oo lagu jahwareersan yahay

Bulshada caalamka ayaa ku jahwareersan wararka is khilaafsan ee la xiriira masiirka Ayatollah Ali Khamenei.
Dadku waxay arkeen amaba ay daawadeen Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo sheegaya in ay jiraan caalamado muujinaya in la dilay shakhsiga ugu awoodda badan Iran.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei ayaa Warbaahinta ABC u sheegay in Khamenei iyo Madaxweyne Masoud Pezeshkian ay labaduba ammaan yihiin oo ay caafimaad qabaan.
Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa Sarkaal Israeli ah ayaa ku warantay in la helay meydka Khamenei.
Shabakadda Wararka AXIOS ee Mareykanka laga leeyahay ayaa sheegtay in Safiirka Israel ee u jooga Mareykanka, Yechiel Leiter uu ku wargeliyay Saraakiisha Aqalka Cad in Khamenei lagu dilay weerar lagu qaaday xarun uu ku leeyahay Caasimadda Tehran.
Madaxa Xiriirka Dadweynaha ee Xafiiska Khamenei, Seyyed Mehrdad Seyyed Mahdi ayaa sheegay in cadowgu uu bilaabay dagaal nafsi ah, isagoona ka digay in la rumeysto.
"Dhammaanteen waa inaan ka taxadarnaa arrintaas." Ayuu yiri Seyyed Mehrdad, sida ay ka soo xigatay Wakaaladda Wararka ISNA ee Iran laga leeyahay.
Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta, waxa uu ku dambeeyay masiirka Khamenei.


