Maxkamadda Sare Pakistan oo amartay in xabsiga laga sii daayo Imran Khan

Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii amartay in xabsiga laga sii daayo Raysal Wasaarihii hore ee dalkaasi, Imran Khan, ka dib laba maalmood oo uu ku xirnaa Caasimadda Islamabad.

Imran Khan ayaa xabsiga loo taxaabay, ka dib markii uu ka soo muuqday Xarunta Maxkamadda Sare, halkaas oo lagu waday in ay ka bilaabato dhageysiga mid ka mid ah kiisas dhowr ah oo lagu soo eedeeyay.

Maxkamadda Sare ayaa markan xariggiisa ku sheegtay mid sharci darro ah, iyadoona amartay in si degdeg ahi xabsiga looga sii daayo, xilli laamaha amniga ay u xireen eedeymo musuq-maasuq oo dalkaasi ka dhaliyay dibadbaxyo rabshado wata.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Umar Ata Bandial ayaa Talaadadii mid sharci ah ku sheegay tallaabada ay ciidamadu ku xireen Khan, waxayse wax kasta is bedeleen, markii taageereyaashiisa ay dalka ka dhigeen dibadbaxyo rabshado wata.

Taageereyaashiisa ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalooyinka dalkaasi, kuwaa oo dalbanayay in dib xorriyaddiisa loo siiyo.

Taageereyaasha Khan ayaa gacmaha ula tagey ciidamada amniga, waxaana tan iyo xilligaasi la arkayay, iyaga oo dab qabadsiinaya xarumo dowladeed.

Xukuumadda Raysal Wasaare Shehbaz Sharif ayaa cambaareysay xukunka ay maxkamaddu ku sheegtay in uu sharci darro yahay xarigga Mr. Khan iyo amarkeeda ku aaddan in ninkaasi xabsiga laga sii daayo.

Xukuumaddu waxay sheegtay inay raadin doonto waddooyin kale oo sharci ah, oo horseedi kara in mar kale lagu soo xiro Hoggaamiyaha Xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).

Rabshadaha hareeyay dalkaasi ayay ciidamada u soo qabqabteen in ka badan 2,000 oo qof, iyadoona ay ku geeriyoodeen 11 qof, halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Khan ayaa Jimcahan lagu wadaa in uu mar kale ka soo muuqdo Xarunta Maxkamadda Sare ee Magaalada Islamabad, si maxkamaddu ay dib ugu eegis ugu sameyso go'aankeedii hore ee ay ku xalaaleysay xariggiisa.

Khan oo 70 jir ah ayaa waxaa suurtagal ah in maxkamaddu uu weydiisto in laga ilaaliyo in mustaqbalka loo soo xiro eedeymaha musuq-maasuq ee lagu soo eedeeyay.