Midowga Afrika oo ku baaqay in si dhab ah loo wajaho xal u helidda Israel iyo Falastiin

Ururka Midowga Afrika ayaa si weyn uga walaacsan xiisadda ka soo dhex cusboonaatay Maamulka Israel iyo Falastiiniyiinta.

Madaxa Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa labada dhinac ugu baaqay in ay si degdeg ah u dejiyaan xiisadda.

Waxa uu dhinacyada ugu baaqay in si bilaa shuruud ah ay ugu soo laabtaan miiska wada hadalka, isla-markaana ay ka wada hadlaan, sidii xal loogu heli lahaa colaadda soo noqnoqotay.

Labada garab ayuu kula dardaarmay in ay si dhow uga wada hadlaan, sidii loo dhaqangelin lahaa in la helo laba dowladood oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Waxa uu intaasi ku daray diidmada xuquuqda aasaasiga ah ee dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin inay noqdaan dal madaxbannaan oo xor ah ay ugu wacan tahay xiisadda muddada dheer ka jirta Bariga Dhexe.

Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka horumaray in ay qaataan masuuliyaddooda, isla-markaana ay dhaliyaan nabadda, ayna damaanad qaadaan xuquuqda labada shacab.

Gudoomiyaha ayaa tani u arka xalka keliya ee nabad loogu soo dabaali karo Bariga Dhexe.

Israel ayaa muddo fog xoog ku haysatay dhulka Falastiiniyiinta oo marba ay deegaameen ka sameynayso, tiiyoo ay muuqato in Reer Galbeedku ay ku garab siinayaan.

Tani waxay natiijadeedu noqotay in Xoogaga Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ay weerar aan horey loo arag ka gaystaan koonfurta Israel.

Madaxda Xamaas ayaa doonaya in go'doominta laga qaado Gaza, oo ay Israel ka go'doomisay dhulka, badda iyo hawada.