Midowga Yurub iyo Canada oo sheegay inay tixgelinayaan waaranka Maxkamadda ICC

Midowga Yurub iyo Canada ayaa sheegay inay fulin doonaan waaranka ka soo baxay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ee ay ku dalbatay in lagu soo xiro Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, Wasiirkiisii hore ee Difaaca, Yoav Gallant iyo Taliyaha Militariga Xamaas, Mohammed Deif.

Maxkamadda ayaa sheegtay in waaranka lagu soo xirayo Netanyahu iyo Gallant uu la xiriiro dembiyo dagaal oo Israel ay ka gaysatay Marinka Gaza. Sidoo kale waaranka kale ee ka dhanka ah Deif ayaa lagu saleeyay dembi dagaal oo Xamaas ay 7-dii bishii October ee sanadkii hore la sheegay inay ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay ka Midowga Yurub ahaan inay tixgelinayaan go'aanka Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah.

Josep Borrell ayaa dhammaan 27-ka dal ee Midowga Yurub xusuusiyay waajibaadkooda ah inay u hoggaansamaan awaamiirta Maxkamadaha Caalamiga ah.

Dalalka qaar ee reer Yurub sida Netherlands, Belgium-ka iyo Ireland ayaa si cad u sheegay inay xiri doonaan, haddii Netanyahu iyo Gallant uu midkood yimaado dalalkooda.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa sheegay in cid kasta looga baahan yahay inay u hoggaansanto xeerarka caalamiga ah.

"Canada waxay u hoggaansami doontaa dhammaan xukunada ay soo saaraan Maxkamadaha Caalamiga ah." Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaare Trudeau ayaa intaasi ku daray "Waxaan u taaganahay sharciga caalamiga ah, waxaana u hoggaansami doonnaa dhammaan xeerarka iyo xukunada ee Maxkamadaha Caalamiga ah."

Amarka Maxkamadda ICC ayaa xadidaya safaradii Netanyahu iyo Gallant ee dalalka shisheeye, gaar ahaan 124-ka dal ee xubnaha ka ah ICC.

Go'aankan ayaa saamayn ku yeelan kara xiriirkii Israel iyo dalalka reer galbeedka qaarkood, waxaana suurtagal ah in uu dhaawaco xiriirkooda. Reer galbeedku waa xulafada dibadda ee ugu muhiimsan Israel.

Inkastoo Mareykanka uu si adag uga soo horjeestay xariga Netanyahu iyo Gallant, haddana wadamada reer Yurub ayaa la eegaya, sida ay uga jawaabi doonaan, haddiiba labadaasi nin ay dalalkooda soo booqdaan.