Mudaaharaad lagu diidan yahay dagaalka Gaza oo ka socdo Tel Aviv
Isu soo bax ballaaran oo gelinkii dambe ee maanta ka bilowday Magaalada Tel Aviv ayaa caawa ka socdo magaaladaaasi, iyadoo marba ay dad hor lihi ku biirayaan dibadbaxaasi.
Mudaaharaadkan ayaa lagu dalbanayaa in Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ay heshiis xabad joojin ah la gasho Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza, dibna ay guryahooda iyagoo nool ugu soo laabtaan Israeliyiinta lagu haysto gudaha Gaza.
Bannaanbaxa ballaaran ee haatan ka socdo Tel Aviv ayaa daba socdo isu soo baxyo yaryar oo maanta ka dhacay Israel, sidoo kalena lagu dalbanayay in la joojiyo dagaalka Gaza, lana soo celiyo maxaabiista Israel.
Magaalada dekedda leh ee Haifa ee waqooyiga Israel, dibadbaxayaasha waxay wateen boorar ay ku dalbanayeen in Netanyahu uu xafiiska banneeyo.
"Dhiig kale oo intee kale ayaa daadan doona, ka hor inta uusan dembiilahan tagin." Waa mid ka mid ah hal-ku-dhigyada ku qornaa boorarka ay wateen dibadbaxayaasha Haifa.
Mudaaharaadka ka socdo Tel Aviv ayaa Madaxweyne Donald Trump looga codsaday in uu si degdeg ah u soo afjaro dagaalka 21-ka bilood ka soconaya Marinka Gaza.
Viki Cohen oo ah hooyada dhashay Nimrod Cohen oo ku xiran Gaza ayaa sheegtay in ay jirto fursad hadda lagu soo afjari karo dagaalkan iyo in dhammaan maxaabiista lagu soo celin karo gudaha Israel.
Haweeneydan ayaa sheegtay in ay aaminsan yihiin Madaxweyne Trump, isla-markaana uu awood u leeyahay in uu joojiyo dagaalka.
"Waan aaminsanahay isaga, waana ku kalsoonahay, waxaana ognahay inuu awood u leeyahay inuu joojiyo dagaalka." Ayay tiri Viki Cohen oo intaasi ku dartay "Wuxuu ku cadaadin karaa Raysal Wasaarahayaga inuu sameeyo, si loo dhameeyo dagaalka Gaza."
Liri Albag oo ah mid ka mid ah Israeliyiintii lagu sii daayay heshiiskii u dambeeyay xabad joojinta Gaza ee horaantii sanadkan ayaa ku baaqday in la soo celiyo maxaabiista weli maqan.
Liri Albag oo dibadbaxayaasha kula hadleysay Fagaaraha Tel Aviv ayaa ku catowday in dowladdu aysan wax mudnaan ah siinin dadka looga haysto Gaza, waxayna Netanyahu ka codsatay in heshiiska nabadda ee Iran uu xigo midka Gaza.
Dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda uu Netanyahu madaxda ka yahay ayaa dib uga soo cusboonaaday gudaha Israel, xilli ay jirto rajo ah in xabad joojin laga samayn karo Marinka Gaza.
Dowladda ayaa mamnuucday mudaaharaadyada lagu dhalleeceynayo, intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ee ay la galeen Iran, sababo ku aaddan tilmaamaha degdegga ah ee mamnuucaya isu imaatinka ballaaran, xilliyada colaadaha.
Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii sheegay in uu rumeysan yahay in toddobaadka soo socda gudihiisa heshiis laga gaari doono xabad joojinta Gaza.
Kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa waxay gacanta ku hayaan 50 maxbuus, kuwaas oo ugu yaraan 20 ka mid ah la aaminsan yahay in ay nool yihiin.