MW Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay Qaraarka Adkeynta iyo Hufnaanta Maareynta Maaliyadda Dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay Golaha Wasiirada ku ansixiyeen Qaraarka Adkeynta iyo Hufnaanta Maareynta Maaliyadda Dalka.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay meelmarinta qaraarkan, waxaana uu u qornaa:-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu soo dhawaynaa qaraarka ay maanta ku ansixiyeen Golaha Wasiiradu shirkooda toddobaadlaha, kaas oo ku saleysan adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hannaanka maaliyadda iyo tayo-soorka shaqaalaha, si looga hortago musuqa loona taabo galiyo xafiisyo dowladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.
Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka.
La dagaalanka musuqu ma aha keliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu sidoo kale halbeeg u yahay Somaliya ku naalloota horumar waara, caddaalad iyo sinnaan. Sidaas daraateed waxaa naga go’an inaan dhisno hannaan daahfuran, isla xisaabtan leh oo u adeegga shacabka Somaliyeed.


