MW Xasan Sheekh "Raali kama nihin inuu nidaamka ka dumo dadka reer Puntland"

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay Maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta deegaanka.
Khilaafka ayaa ka dhashay, ka dib markii Golaha Wasiirada Puntland ay Khamiistii ansixiyeen in wax ka bedel lagu sameeyo tirada Axsaabta Siyaasadeed ee Puntland oo laga dhigayo shan xisbi, halka markii hore ay saddex ahaayeen. Baarlamanka Puntland ayaana loo gudbiyay hindisahan, si uu u meelmariyo.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo Salaaddii Jimcaha ka dib khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxda Puntland ugu baaqay in ay tixgeliyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka.
"Waxaan rabaa inaan sheegno raali kama nihin dadkaas in uu nidaamka ka dumo iyo inay is dilaan, intaba raali kama nihin." Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa yiri "Ifafaalaha muuqda, waddadaa aan soo marnay sheegaya, markaan u barbardhigno ifafaalo fiican ma ahan."
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Puntland ugu baaqay "Madaxda Puntland waxaan leenahay dadka iyo rabitaankooda tixgeliya, haka tallaabsanina, kama tallaabsan kartiinee. Aad iyo aad ugu dhega nuglaada oo dhageysta, siyaasiyiinta hala dhageysto, Odayaasha Dhaqanka hala dhageysto, ka dib maamulka iyo dowladnimadu, sida ay u adkaanayaan hala yeelo."
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray "Ka talo bixin maayaan waan hubaa, kuna talin maayaan Odayaasha Dhaqanka ee deegaankaasi joogaahi wax Dowladda Puntland duminayo, maku talinayaan."
Siyaasiyiin iyo madax hore oo reer Puntland ah ayaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyay in uu wado qorshe uu muddo xileedka ku sii dheereysanayo, taa oo sida ay sheegeen aanay aqbali doonin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta kula dardaarmay in aanay dhibaato u horseedin dadkooda, isla-markaana aanay hal bacaad lagu lisay noqon tacabka muddadii 24-ka sano ee Puntland lagu soo dhisayay.


