Netanyahu oo amar ku bixiyay in la isku diyaariyo wejiga xiga ee dagaalka Gaza

Tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee Militariga Israel ee Marinka Gaza ayaa cabsida ku kordhisay Falastiiniyiinta reer Gaza, sababtoo ah waxay arkaan in Israel ay ballaarineyso ololaheeda militari, xilli ay jirtay rajo ah in heshiis xabad joojin ah la gaari doono maalmaha ina soo aaddan.

Ciidanka Cirka Israel ayaa maanta si ba'an u garaacay Marinka Gaza oo dhan, iyadoo culeys gaar ahi uu haatan ka jiro waqooyiga Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza. Kororka duqaymaha Israel ee Gaza ayaa yimid, ka dib markii militarigeeda uu soo saaray awaamiir uu dadka ugu sheegayo in aysan sii joogi karin Magaalada Gaza, oo ay tahay in si dhakhsa ah uga baxaan.

Amarkan oo lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee ay Israel ku barakacineyso dadka reer Gaza, tan iyo markii 18-kii bishii March ay dib u soo cusbooneysiisay duqaymaheeda Gaza, ka dib xabad joojin socotay muddo laba bilood ah ayaa dadka Gaza ku abuurtay cabsida ah in Israel ay qorsheynayso hawlgal cusub oo dhinaca dhulka ah.

Cabsida reer Gaza ayaa xoogeysatay, ka dib markii Warbaahinta Israel ay daboolka ka qaadday in dowladdu ay isku diyaarineyso in ay ballaariso hawlgalkeeda militari ee Gaza, iyada oo hawlgalka lagu fidinayo dhul hor leh.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israel ayaa ku waramaya in Taliyaha Ciidamada, General Eyal Zamir uu Golaha Wasiirada la wadaagay wejiga xiga ee dagaalka, kaas oo Israel ay dhul cusub kaga qabsaneyso Marinka Gaza, ka dib amar kaga yimid Hoggaamiyaha Israel.

Tani ayaa waxay imaneysaa, ka dib markii Ciidamada Israel ee ka dagaalamaya gudaha Gaza ay saraakiishooda Axaddii u sheegeen Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca, Israel Katz in aysan sii wadi karin dagaalkan, lana joogo xilligii heshiis xabad joojin ah lala geli lahaa Ururka Xamaas ee Falastiin, si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

Warbaahinta maxaliga ayaa ilaha ku dhow dhow Raysal Wasaare Netanyahu ka soo xigatay in Raysal Wasaaruhu uu amar ku bixiyay in ciidamadu ay sii wadaan dagaalka, illaa iyo inta laga xaqiijinayo dhammaanba hadafyadii ay ugu duuleen Marinka Gaza.

Israel ayaa bishii October ee sanadkii 2023 olole militari oo cir iyo dhulba ku qaadday Gaza, iyadoona u weerartay saddex hadaf oo kala ah burburinta Xamaas, dib u soo celinta maxaabiista Israeliyiinta iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqonin Israel, tiiyoo aan illaa iyo hadda laga guul gaarin, sababtu tahay iska caabinta nool ee garabyada hubeysan ee Falastiiniyiinta ee Ciidamada Israel kula dagaalamaya Gaza.

Ciidamada Israel ayaan wax niyad ah u haynin sii socoshada dagaalkan, iyagoona door bidaya in si degdeg ah loo soo afjaro, balse xukuumadda midigta fog ee Netanyahu uu madaxda ka yahay ay ka biyo diidan tahay in iyadoo aanu cadaadis jirin ay heshiis la gasho Xamaas.

Amarka cusub ee Netanyahu ee ciidamada loogu jiheynayo wejiga xiga ee dagaalka ayaa liddi ku ah cueyska uu Madaxweyne Donald Trump ku saarayo dowladdiisa in si dhakhsa ah loo soo afjaro colaadda Gaza.