Netanyahu oo hoggaamiyeyaasha caalamka ugu baaqay inay soo galaan dagaalka Iran
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa madaxda caalamka ugu baaqay inay ku soo biiraan dagaalka Mareykanka iyo Israel ee ka dhanka ah Iran.
Raysal Wasaaraha oo booqday goobtii xalay ay Ciidamada Iran garaaceen ee Magaalada Arad ee Koonfurta Israel ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo Dowladda Iran.
Wuxuu ku andacooday in dalalka qaar ay mar horeba u socdeen jihadaasi, isagoo inta kalena ku booriyay in ay dagaalkan qayb ka soo noqdaan.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Iran ku eedeeyay inay beegsato dadka rayidka ah, wuxuuna xusay in Tehran ay awood u leedahay inay weerari karto bartilmaameedyada Yurub.
"Waxay leeyihiin awood ay ku gaaraan gudaha Yurub. Haddii aad rabto caddeymo muujinaya in Iran ay khatar gelineyso adduunka oo dhan, 48-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa caddayn kuugu filan." Ayuu yiri Netanyahu.
Inkasta oo 116 qof ay ku dhaawacmeen gantaal ay Iran ku weerartay Arad, haddana Netanyahu ayaa sheegay in ay wax mucjiso ahi ahayd inaanu qofna ku dhiman weerarkaasi.
Netanyahu oo Wariyeyaasha kula hadlayay dhismayaashii ku burburay weerarkaasi ayaa sheegay in shacabka Israel ay ku badbaadeen seeriga digniinaha ee weerarada cirka, isla-markaana ay gaareen goobaha gabaadka ee gantaalada laga galo.
Netanyahu ayaa tilmaamay in seerigu uu dhawaaqayay muddo 10 daqiiqo ah, ka hor inta aanu gantaalku soo dhicin, isagoo intaasi ku daray in inta badan dadka ay ka faa'iideysteen digniintaasi, taasna ay khasaarahoodu yareysay.
Hoggaamiyaha Israel ayaa shacabka ku booriyay inaysan dhayalsan weerarada Iran, inta ay xaaladdan taagan tahay, isla-markaana ay raacaan tilmaamaha laamaha amniga.
"Ha noqonina kuwo is dhigta, ha noqonina kuwo aan dan ka lahayn." Ayuu yiri Netanyahu oo intaa raaciyay in dhaawacyada ka dhashay weerarkii Arad laga baaqsan karay, haddii ay dadku si degdeg ah ugu wada carari lahaayeen goobaha gabaadka ee amniga.
Raysal Wasaare Netanyahu oo sii hadlayay ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dowladuhu doorkooda ka qaadan lahaayeen hawlgalka uu sheegay inay bilaabeen Mareykanka iyo Israel.
Baaqa Netanyahu ayaa si toos ah ugu socda dalalka reer Yurub iyo kuwa kale ee ka tirsan isbahaysiga NATO, si Israel looga caawiyo dagaalka ay kula jirto Iran.
Baaqa Netanyahu ayaa imanaya, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu wado dadaalo uu cadaadis ku saarayo xulafada Mareykanka, kuwaas oo uu ka doonayo in laga kaalmeeyo hawlgalka militari ee Iran.
Dalalka xulafada, gaar ahaan kuwa reer Yurub waxay illaa iyo hadda u muuqdaan kuwo ka caga jiidaya dagaalkan, walow qaarkood laga yaabo inay bedelaan fekerkooda dagaalka Iran.













